Coronavirus: Talyaaniga oo tallaabooyin adag ku soo rogay gobollada qaar

0
20

Roma (Saxilnews.com) Maamulka gobolka Lombardy ee dalka Talyaaniga oo ah meesha ugu daran ee uu ka dillaacay xanuunka Coronavirus ayaa soo saaray tallaabooyin adag oo wax looga qabanayo faafitaanka fayraska.

Shuruucdan cusub ayaa waxaa ka mid ah in cayaaraha iyo waxyaabaha kale ee uu xitaa qofku si shakhsi ah ugu sameynayo dibadda la joojiyo.

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo Talyaaniga laga soo sheegay ku dhawaad 800 oo dhimasho ah shalay, khasaaraha dhimashada coronavirus ee dalkaasi ayaa gaartay 4,825, waana tirada ugu badan marka loo eego meelaha kale ee uu ka dillaacay fayraska.
Lombardy waa gobolka ugu daran dalkaas ee uu fayrasku saameeyay, waxaana ku dhintay ilaa 3,095 oo qof.

Madaxweynaha gobolkaas Attilio Fontana ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku dhawaaqay tallaabooyinka cusub.

LoGanacsiyada ayaa loogu baaqay inay xiraan, marka laga reebo kuwa iibiya waxyaabaha aasaasiga ah. Goobaha dhismaha ayaa sidoo kale la joojiyay marka laga reebo dadka ka shaqeeya dhismaha isbitaallada, waddooyinka baabuurta iyo kuwa tareenka.

Dhammaan suuqyada furan ee toddobaadlaha ah ayaa sidoo kale la mamnuucay.

Lombardy ayaa waxaa saarnaa xayiraad tan iyo 8 March dowladda ayaana rajeyneysay inay halkaasi ka soo baxdo natiijo wanaagsan.

Maalintii shalay ahayd Ra`iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte ayaa amray in la xiro dhammaan ganacsiyada aan muhiimka ahayn ee dalkaas. Si kastaba, ma uusan kala caddeyn kuwa ay yihiin ganacsiyadaas iyo kuwa muhiimka ah.

Dukaamada waaweyn, farmashiyeyaasha, xafiisyada boostooyinka iyo bankiyada ayaa furnaan doona sidoo kalena gaadiidka dadweynaha ayaa sii shaqeyn doona.

Mr Conte ayaa xaaladda ku tilmaamay inay tahay tii ugu darneyd ee soo marta dalkaas, kaddib dagaalladii waaweynaa ee dunida.

Inkastoo la soo rogay tallaabooyinkaas, haddana kiisaska cusub iyo dhimashada ayaa sii kordhayay.

Ilaa 220,000 oo kiis ayaa laga soo sheegay guud ahaan dunida, iyo 9,000 oo dhimasho ah

Weriye Gamuute Cumar Kujoog
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here