Coronavirus: Sheekh Umal oo ka hadlay in meherka lagu sameyn kara qaab online ah

0
13

Nairobi (Saxilnews.com)-Cudurka Corona ee halakeeyay caalamka ayaa qeyb kasto oo ka mid ah noolasha saameyn ku yeeshay. Waddamo badan ayaa xayiraado soo rogay, waxay bahda caafimaadkana ku taliyeen in la kala foogaado iyo in aan gacmaha la isku salaamin, kuwaaso dhamaantood lid ku ah waxyabaha la sameeyo marka ay lamaanaha is guursanayaan. Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo BBC-da ay arrintan ka wareysatay ayaa sheegay in aysan daruuri ahayn in xaflad aroos la dhigto. ”Guurka waxna waa sunno waxna waa waajib, waxa waajibka ah ayaa ah waalidka gabdha guurinayo, labo makhraati, sheekha maherinayo iyo lamaanaha is guursanayo intaas wixii ka siyaadsan waa iska sunno, haddi laga maarmi wayay intaas ayaa arooska in qabsoomo ku filan,” ayuu yiri Sheekh Umal. Maadama la yiri cudurka Covid-19 wuxuu ku faafaya kullamada dadka Sheekh Umal wuxu sheegay inay wanaagsantahay in la raaci tallada bahda caafimaadka, oo dadka kala fogaadaan.”Ciddii ka maarmi weyda in iyadoo daruuftan ay jirto wax guursata, waa in ay illaaliso fayadhowrka ama talloyinka, shareecadana ma adkeyneyso oo wa ay fududeyneysa oo dad qarash badan ka bixi jiray maanta inay u fududaato ayaa laga yabaa,”Sheekha wuxuu intaasi ku daray in dadka ay ka fiijignadaan oo xanuunkan aanan la fududeysan. Sida aroos ku dhigan kartaa adigoo xaflad la iskugu imanaayo sameysanin?Waddamo dhowr ah ayaa meel mariyay sharci lamaanaha u oggolaanaya in ay hab online ah isku guursadaan. Wadamadaasi waxaa ka mid ah Isu Tagga Imaaradka oo dhowaan shaaciyay in muwadiniinta dalkaasi iyo ajaanbita ku nool dalka loo ogolaan doono in qaab online ah ay isku guursan karaan, kadib markii wasarada cadaalada ay hirgelisay bog loogu tallo galay in lamaanaha is guursanaya ay ku soo gudbiyaan dukumentiyada looga baahanyahay. Marka ay lamaanahu soo dhameystiraan shuruudahaasi, ayaa kadib waxa qabsoomaya xaflad muuqaal ah oo ay ka qeyb galayaan diiwangeliye ka socda wasaaradda cadaaladda, marqaatiyayaal iyo lamaanaha is guursanaya.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa haseyeeshee sheegay in guurka lagu sameeyo hab online uusan ansaxmeynin oo sharciga uu qabo in la’is horfadhiisto. ”Kuma ansaxeyso in hab online ah la’iskugu keeno dadkii oo dhan, oo maherka la wada joogo, zoomka iyo waxyabaha la’iska arko kuma ansaxeyso,” ayuu yiri Sheekh Umal oo BBC-da la hadlay

Mareykanka shahaada guurka ee dowladda Sidoo kale Barasaabka New York Andrew Cuomo ayaa saxiixay amar lagu oggolaanayo in aroosyada lagu sameyn karo hab online ah maadaama aroosyo badan uu saameyn ku yeeshay xayiraadda dhaqdhaqaaq ee lagu soo rogay dalalka qaar. Dadka ku nool Mareykanka waxaa u suurtageli doonta in ay qaab online ah ku dalbadaan warqadda maherka ee ay dowladdu bixiso.Mr Cuomo oo u muuqday in uu la kaftamayay lamaanaha doonaya in ay is guursadaan ayaa yiri ”marmarsiiyo ma jiri doonto,” kuwa doonaya inay is guursadaan wa ay is aroosi karaan.

‘Waxaad adeegsan kartaan barta internetka ee Zoom. Waan aqbalay ama ma aqbalin ayaad dhihi karta adigoo khadka ku jira,” ayuu yiri barasabka. Go’ankan ayaa yimid kadib markii la kordhiyay xayiraadii saarneyd magaaldaasi. In ka badan 13000 ayaa cudurka Corona ugu geeriyootay New York oo kali ah.Dadka baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan arrintan uga fal celiyay. Qaarkood waxay su’aal iska weydinayaan sababta ay lamaane u doonayaan in ay aroos galaan ayagoo og in saaxibadood iyo qoyskoodaba aysan ka soo qeyb geli karin waxayna barasabka ku dhalileen in uusan waxyaabo badan oo arintaas ka muhimsanaa uusan go’an ka qaadanin. Qaarkoodna waxay ka hadleen fa’idada taasi ay u leedahay lamaanaha oo ay ku tilmaameem in ay wadaagi karaan caymiska caafimaadka.

 

Xigasho BBc Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here