Coronavirus: Maxay Shiinuhu sameyeen islamarkii uu ka dilaacay Corona?

0
16

Mareykanka iyo dalalka kale ee xulafadiisa ah ayaa su’aalo galiyay in Shiinaha uu daacad ka ahaa la dagaallanka Corona – markii ugu horeysay ee uu cudurka soo ifbaxay.

Haddaba maxaan kala soconaa waxa ka dhacay Shiinaha, maxay se sameeyeen si ay cudurka u xakameeyaan?

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa waqtigii uu soo ifbaxay cudurka iyo marxaladihii uu soo maray.

1 December – waxaa la arkay calaamadihii ugu horeeyay, sida uu qoray joornaalka Lancet medical journal.

Hasa yeeshee, waxaa la rumaysan yahay in uu cudurka markii ugu horreysay oo uu soo ifbaxay ay ahayd bishii November.

27 December – Xukuumadda Shiinaha waxay sheegtay in feyris la mid ah Sars lagu arkay dhakhtar ka shaqeeya isbataalka gobolka Hubei, balse xilligaasi kiisaska way sii kordhayeen.

30 December – Guddiga caafimaadka ee magaalada Wuhan ayaa ku wargaliyay isbataallada “Burikiito waxa sababa aan la aqoon “, waxaana dhakhaatiirta laga codsaday in ay soo gudbiyaan kiisaska laga shakisan yahay.

Ai Fen, oo ah dhakhtarkii hormuudka u ahaa baaritaannada ayaa helay natiijo caafimaad oo muujinaysa dhiig laga qaaday bukaan, kaasi oo looga shakliyay coronavirus.

Dr Ai ayaa qaaday sawirka natiijadaasi waxaa uuna u diray dhakhtar kale oo isla aaggaasi ka shaqeeya.

Natiijadaasi ayaa waxaa ay dhex wareegaysay bahda caafimaadka iyo guud ahaan bulshada ree Wuhan.

Dhakhtar kale oo ka howlgala isbataalka dhexe ee Wuhan, oo lagu magacaabo, Dr Li Wenliang, ayaa farriin u diray dhakhaatiirta kale isaga oo uga digaya in uu Corona dillaacay islamarkana ay xirtaan qalabka looga gaashaanto.

Dr Li ayaa waxaa markii dambe u yeeray waaxda ammaanka dadwaynaha ee Shiinaha waxaana lagu eedeeyay “in uu bixiyay warar been abuur ah oo saameyn xun ku yeeshay hanaanka bulshada”.

Wararka ku saabsan in uu dillaacay fayras dilaa ah ayaa waxaa lagu baahiyay baraha bulshada Shiinaha .

31 December – Saraakiisha Shiinaha ayaa waxay xaqiijiyeen in ay baaritaan ku sameyeen 27 kiis oo xanuunka oof-wareenka islamarkana ay khubaro caafimaad gobolka u direen.

Laamaha dowladda Shiinaha ayaa waxay shaaciyeen in 7 dadka xanuunsan ka mid ah ay xaaladooda halis tahay.

laamaha caafimaadka Shiinaha ayaa ka dib wargaliyay hay’adda caafimaadka aduunka (WHO).

1 January – Isbataalka magaalada Wuhan ayaa baraha bulshada, gaar ahaan barta WeChat ku baahiyay in ay “la dagaallamayaan burikiito aan la aqoon waxa ay tahay”.

Dr Ai Fen ayaa sheegtay in guddiga hab-dhowrka Isbataalka ay ku eedeeyeen inay faafinayso”warar been abuur ah”.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ka dib heegan sare gashay si loola tacaalo cudur laga yaabo inuu dillaaco.

Xukuumadda Shiinaha ayaa xirtay suuqa Huanan oo lagu iibiyo hilibka xayawaanka badda iyo duurjoogta kale, halkaasi oo ahayd goobtii dhowr kiis laga helay islamarkana goobta ay suuragalka tahay in uu cudurka asal ahaan ka billaabmay.

China let it spread, says Trump

3 January – waxaa soo baxay eedeeymo loo jeedinayo xukuumadda taasi oo baraha bulshada lagu baahiyay laguna sheegay in hay’adaha caafimaadka ay aamusiinayaan shaqaalaha isbataalada in ay ka hadlaan in uu jiro feyris cusub oo soo ifbaxay.

(Si madax banaan uma xaqiijin karno qoraalladan baraha bulshada islamarkana qaar badan oo ka mid ah waxaa hawada ka saaray xukuumadda Shiinaha).

Waaxda caafimaadka Wuhan ayaa xilligaas sheegtay in ay baaritaan ku heyso waxa sababay cudurka dillaacay iyo waxa uu yahay.

7 January – Hogaamiyayaasha sarsare ee Shiinaha oo uu ka mid yahay , madaxwayne Xi Jinping, iyo xubnaha guddiga sameynta xeerarka ayaa ka wada-xaajooday, taasi oo muujinaysa in ay sii ogaayeen fayraska.

8 January – Koox khubaro ah oo ka socotay guddiga caafimaadka ayaa waxay shaaciyeen in uu jiro cudurka coronavirus.

9 January – Shiinaha ayaa si toos ah u caddeeyay in uu dilaacay fayraska, oo lala xiriirinayo fayrasyada kale ee Sars iyo Mers.

Seynisyahanada ayay ka dib u suuragashay in ay helaan hannaan lagu baaro cudurkan.

Wuhan at night.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionWuhan at night

11-17 January – Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha ayaa waxay qabteen kulankoodii siyaasadda ee muhiimka ahaa, kaasi oo ka dhacay gobolka Hubei.

Xilligaasi ma jirin kiisas badan oo la soo sheegayay in ay Shiinaha ka jiraan.

13 January – Kiiskii ugu horeeyay ayaa laga helay meel ka baxsan Shiinaha.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in qof ka soo safray Wuhan oo yimid Thailand 8 January laga helay cudurka islamarkaana isbataal la dhigay.

14 January – Hay’adda WHO ayaa barta ay Twitter-ka ku leedahay ku soo qortay in “baaritaanno hordhac ah oo ay sameysay dowladda Shiinaha ay muujinayaan in aan caddeyn loo hayn in fayraskan ay bina’aadamka kala qaadi karaan.”

Hase yeeshee isbataallada Shiinaha ayaa shaki ka muujiyay taasi oo ay sabab uga dhigeen tirada badan ee bukaanada.

15 January – Bukaan ka soo laabtay Wuhan ayaa tagay Mareykanka waxa uuna noqday qofkii ugu horeeyay ee Covid-19 laga helo dalka Mareykanka.

20 January – Khubaro cafimaad oo Shiinaha u dhashay ayaa waxay xaqiijiyeen in Fayraska ay isu gudbiyaan bina’aadamka oo ay kala qaadaan.

Kiiskii ugu horeeyay ee kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale la xaqiijiyay.

20 – 21 January – Hay’adda caafimadka aduunka ayaa wafdi u dirtay Wuhan si baaritaan ay halkaasi uga soo sameeyaan.

21 January – Wargeyska dowladda Shiinaha ee, People’s Daily, ayaa markii ugu horeysay daabacay magaca coronavirus .

Xilligaasi warbaahinta dowladda Shiinaha waxay sheegtay in cudurka laga helay 291 qof.

23 January – magaalada Wuhan iyo magaalooyiinka ku xeeran ayaa xayiraad lagu soo rogay.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa go’aansatay in cudurka aysan ugu yeerin in uu yahay xaalad caafimaad oo caalami ah.

23-25 January – Shaqaalaha dhismooyinka ayaa billaabay in ay dhisaan labo isbataal oo bukaanada cudurka lagula tacaalo.

Dr Tedros Ghebreyesus, director general of the WHO, meets with President Xi to discuss the outbreakLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

24-30 January – Dadka Shiinaha ayaa ku dabaaldagay xuska sanadka cusub ee Lunar, iyaga oo u kala safray gobollada.

25 January – Xukuumadda Shiinaha ayaa waxay codsatay in dadka safraya caafimaadkooda la hubiyo.

26 January: Dowladda Shiinaha ayaa gabi ahaanba mamnuucday ka ganacsiga duurjoogta guud ahaan dalkaasi.

28 January – Dr Tedros Ghebreyesus, agaasimaha guud ee WHO ayaa la kulmay madaxwaynaha Shiinaha Xi si ay cudurka dilaacay uga wadaxaajoodaan.

30 January – Hay’adda caafimaadka aduunka ayaa ku dhawaaqday in cudurka Covid-19 uu yahay xaalad caafimaad oo caalami ah ka dib markii 82 kiis laga helay goobo ka baxsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here