Coronavirus: Hargabka caadiga ah ‘wuxuu jirka ka bixin karaa Covid-19’

0
19
Woman blowing her nose

Fayraska dhaliya hargabka caadiga ah wuxuu si buuxda jirka uga saari karaa fayraska Covid, sida ay sheegeen cilmi baareyaal.

Qaar ka mid ah fayrasyada ayaa lagu yaqaannaa in ay tartamaansi uu midkood u noqdo kan sababa caabuqa ku dhalanaya jirka gudihiisa.

Sidaas darteedna, seynisyahannada ka howl gala Jaamacadda Glasgow ayaa sheegay in sida muuqa uu hargabka caadiga ah ka tabar badan yahay coronavirus.

Uma xoog badna sidii loo baahnaa, balse fayraska rhino ee sababa hargabka caadiga ah wuxuu ku guuleysan karaa inuu unugyada jirka bani’aadanka ka saaro Covid-19.

Kasoo qaad in unugyada ku jira sankaaga, dhuunta iyo sambabbada ay yihiin sida guryo saf ku jira oo ay albaabbadoodu isu wada furan yihiin. Islamarkii uu fayras soo galo gudaha, wuxuu sameyn karaa labo arrimood. Mid waa inuu albaabbada oo dhan furo oo uu fayrasyo kale u soo fasaxo gudaha, midna waa inuu albaabbada xiro oo uusan oggolaanin inuu wax fayras ah oo kale soo gudbo, halkaasna uu ka dhigto hoy isaga u gaar ah.

Fayraska loo yaqaanno “influenza” ayaa caan ku ah inuu kaligii talis yahay oo aan loo soo dhawaan karin, inta badanna kaligiis ayaa caabuq abuura. Laakiin fayrasyada kale, sida “adenoviruses” waxay badankood wadaagaan hal guri.

Waxaa soo baxaya warar la isla dhex marayo oo ku saabsan sida fayraska keena Covid ee loo yaqaanno “Sars-CoV-2” uu ula fal gali karo “dagaalka dhex mara fayrasyada “.

Caqabadda ay la kulmeen seynisyahannada ayaa ah in hal sano oo dadka ay ku dhaqmayeen talada kala fogaanshaha ay hoos u dhacday faafitaanka dhammaan fayrasyada, sidaas darteedna ay adkaatay in la daraaseeyo.

Virus nose graphic

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Kooxda ku sugan xarunta cilmi baarista fayrasyada ee Glasgow waxay adeegsadeen qalab matalaya unugyada jirka ee neefsashada waxayna ku abuureen fayraska Covid-19 sababa ee “Sars-CoV-2” iyo “rhinovirus” oo ah kan ugu faafista badan ee ay dadka isqaadsiiyaan islamarkaana dhaliya hargabka caadiga ah.

Haddii rhinovirus iyo Sars-CoV-2 hal mar lagu fasaxo inay jirka weeraraan waxaa guuleysta rhinovirus oo kaliya. Haddii rhinovirus uu 24 saac jirka ku horreeyo, markaas Sars-CoV-2 uma suurtagaleyso inuu gudaha soo arko.

Xitaa haddii Sars-CoV-2 uu isagu jirka ku horreeyo 24 saac, rhinovirus ayaa islamarkii uu imaado dibadda u saaraya.

“Sars-CoV-2 waligiis iskama baxo, waxaa xoog ku saara rhinovirus,” ayuu yidhi Dr Pablo Murcia oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu intaas ku daray: “Arrintan waa mid aad u xiiso badan, sababtoo ah haddii qofka uu yahay mid mar walba u nugul hargabka, waxa uu ka badbaadayaa fayraska cusub ee Sars-CoV-2.”

Arrimo noocan ah ayaa horay loo arkay. hargab ka dillaacay meelo badan oo ka mid ah Yurub ayaa sanadkii 2009 laga yaabaa inuu baajiyay fayras kale oo qaaraddaas ka noqon lahaa safmar, kaasoo lagu magacaabo “swine flu”.

Tijaabooyin kale oo la sameeyay ayaa muujiyay in rhinovirus uu kiciyo dagaal uu sameeyo difaaca jirka, marka uu gudaha u galo, taasoo hor istaageysa in fayraska Sars-CoV-2 uu soo galo.

Markii ay seynisyahannada xannibeen falcelinta difaaca jirka, waxay ogaadeen in Covid uu si caadi ah usoo gali karo, ayna la mid tahay sidii in uusan meesha ku jirin rhinovirus.

Hase yeeshee, Covid wuu kusoo laaban karaa qofka isla marka uu hargabka meesha ka baxo, maadaama difaaca jirka uu nasanayo markaas.

Dr Murcia ayaa yidhi: “Tallaalka oo lagu daray nadaafadda iyo sidoo kale islafalgalidda fayrasyada ayaa yareyn kara faafitaanka Sars-CoV-2, laakiin waxaa saameynta ugu weyn yeelanaya tallaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here