Corona Virus: Maxaa ka jira in filimkan uu sii saadaaliyay caabuqan

0
20

Hong Kong (saxilnews.com) Tan iyo markii uu soo shaac baxay caabuqa Corona ayaa waxaa si weyn ay sare ugu kacday daawashada filim la sameeyay 2011, kaasoo ka hadlaya cudur aan la aqoon oo ka soo bilowday Shiinaha.

Filimka oo lagu magacaabo Contagion ayaa qaabab badan u shabaha xaaladda rasmiga ah ee maanta taagan iyo qaabka uu u faafayo xanuunka.

In kastoo ay jileen shkahsiyaad filimaanta Maraykanka caan ku ah sida Matt Damon, Jude Law, Gwyneth Paltrow, Kate Winslet iyo Michael Douglas, ayaa haddana xilliga uu soo baxay uusan filimkaasi gaarin halkii laga filayay.

Hase yeeshee Contagion ayaa hadda kamid noqday kuwa loogu daawasho badan yahay gudaha Maraykanka, waxaana dad badan ay Google ka raadiyeen magaciisa.

Warner Bros. – oo ah istuudiyaha soo saaray filimka – ayaa sheegay in bishii December uu kaalinta 270-aad uga jiray filimaanta caanka ah, halka uu hadda soo gaaray kaalinta 9-aad.

Sababta uu sidaa ugu soo caan-baxay ayaa lagu sheegay inay tahay sida uu filimka ugu muuqdo mid saadaaliyay caabuqa Corona in kastoo la sameeyay ku dhawaad toban sano ka hor.

Filimka

Sida lagu jilay, haweeney ganacsato ah ayaa u dhimatay xanuun aan la aqoon kadib markii ay u safartay dalka Shiinaha, waxaana ka dhashay xaalad degdeg ah oo saamaysay caalamka oo dhan.

Waxaa filimka xiiso gaar ah u yeelay gabadha ku matelaysay haweeneyda ganacsatada ah, Gwyneth Paltrow, oo 26-kii February baraheeda bulshada soo dhigtay sawir iyadoo uu afka u duuban yahay.

“Horay ayaan uga qeyb qaatay filimkan. Badqabkiina ka shaqeeya. Gacmaha ha isku salaamina. Si joogta ahna gacmaha u dhaqda,” ayay tiri atirishaddan oo ay malaayiin qof ku taxan yihiin baraheeda bulshada.

Khariidadda Caabuqa Corona: sida uu ugu faafay caalamka 10 Bisha Saddexaad 2020
Khariidadda waxay ku saleysan tahay xogta WHO iyo sawirro waxaana laga yaabaa inaysan muujinin macluumaadkii ugu dambeeyay ee waddan kasta

Weriye Gamuute Cumarkujoog
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here