Markii uu ururka Taliban qabtay shirkiisa jaraa’id ee ugu horreeyay tan iyo intii uu la wareegay xukunka Afghanistan, ayaa waxaa hadalka u badan lahaa afhayeen Zabihullah Mujahid.
Zabihullah ayaa ka jawaabay su’aalo kala duwan oo uga yimid weriyayaasha goobta ku sugnaa, waxaana hadalkiisa kamid ahaa in xuquuqda dumarka ay u ilaalin doonaan “si waafaqsan shareecada Islaamka”.
Inta badan weriyayaasha meesha joogay waxaa u muuqday arrin kale oo muhiim ah; taasoo ah in markii u horreysay ay arkeen wejiga afhayeenka. Sanado badan waxa ay maqli jireen codkiisa oo keliya.
Zabihullah ayaa u muuqday mid hadalkiisa uu ka degan yahay sidii hore, waxaana uu weriyayaasha u sheegay: “Ma dooneyno cadow gudaha ama dibedda ah.”
Kursiga uu ku fadhiyay Zabihullah ayaa waxaa lagu bartay Dawa Khan Menapal oo ahaa agaasimaha warbaahinta u qaabilsan xukuumaddii Ashraf Ghani. Xooggaga Taliban ayaa khaarajiyay horraantii bishan.
Afhayeen Zabihullah ayaa xilligaas sheegay in Menapal “lagu dilay weerar gaar ah”.
Weriyayaal badan ayaa ka hadlay in markii u horreysay ay wejigiisa arkaan Zabihullah, waxaana ka mid ah rug-cadaaga BBC ee John Simpson oo ku tilmaamay nin “xoogaa qunyar socod ah oo wanaagsan”.
Sidoo kale waxaa arrintaa ka hadlay weriye Sharif Xasan oo ka tirsan wargeyska The New York Times.
Sanado badan ayaa waxaa su’aal la geliyay in ninka aan wejigiisa la arag uu yahay qof qura mise dhowr qof oo isu cod e
Weriyaha BBC ee arrimaha caalamka, Lyse Doucet, ayaa sheegtay in tuhunkaas uu xoogganaa ka hor inta aysan soo bixin baraha bulshada ee Zabihullah laga wici jiray telefoonnada landline-ka.
Qaar kamid ah weriyayaasha ayaa sheegay in ninka wejigiisa ay arkeen uu da’ ahaan u muuqdo inuu ka yar yahay qofkii ay codkiisa maqli jireen.
“Waxaa sanado badan jiray tuhun ah in Zabihullah uu yahay magac la sameeyay oo ay dad badan ku isu bedbedalaan. Hadda waxaan ogaanay in ninkan uu yahay Zabihullah Mujahid, waxaa se dhici karta in uusanba ahayn?” ayay tiri Doucet.
Hoggaamiyaasha Taliban ayaa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah ka dib dunida wejiyadooda u soo bandhigi doona iyaga oo “aan is qarinaynin”, sida sarkaal sare oo ka tirsan ururka uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Taliban ayaa hadda gacanta ku haysa xukunka Afghanistan, waxaana la filayaa tallaabada xigta ee ay qaadi doonto.
Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay in warka Taliban ficil ahaan loo arko, si loo aamino waxa ay sheegayaan