“Ciyaaryahanada Ciidanka ee Kubada Cagta, koleyga iyo Orodku way guulasyteen”

0
240

Hargeysa (Dawan)- Taliye-xigeenka Ciidanka Qaranka, ahna Abaanduulaha Ciidanka Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Qaranku keliya aanu masuul ka ahayn ilaalinta nadabgelyada Qaranka balse uu ka shaqeeyo dhinaca wax soo saarka beeraha, dhiirigelinta da’yarta ciidanka ee dhinaca isboortiga.

Abaanduulaha CQ S/Guuto Cabdirisaaq ayaa sheegay in Gobolka Awdal u hadhsan yahay inay u dhisaan kooxda ciyaaraha, dhamaan gobolada kale iyo Gebilay-na ka soo dhiseen.

Markii aanu dhamaan gobolada ka soo dhisnay kooxda ciyaaraha waxaa noo suurtagashay inaan ku guulaysanno koobab badan.

Annagoo fulinayna siyaasada Taliyaha Ciidanka Qaranka ee kor u qaadidda ciyaaraha, Ciyaaryahanada Ciidanka Qaranka ee kubada cagta, koleyga iyo orodadda dhamaantood way guulasyteen Mahad Alle.

“Waxaan hambalyeynayaa sida xaragada leh, wanaaga leh ee kooxda Gaashaan uugu guulaysatay goob kastoo la isugu yimi.” Ayuu sheegay Taliye-xigeenka Ciidanka Qaranka.

Maalmahii la soo dhaafat kooxda Kubada koleyga ee Ciidanka Qaranka ayaa garoonka Timacade ku qaaday koob kubada koleyga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here