Cirro isagaa Igu Kibray Oo Isagoo Aan Cidi Aqoon Baan Somaliland Oo Dhan Baray, Ilamana Uu Shaqaynin, Tolkiina Cod Imuu Siinin”Faysal Cali Waraabe

0
17
Hargeysa (SAXILNEWS.COM)_Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali waraabe oo wareysi gaar ah ay la yeelatay idaacada Bbc-da laanta Af-somaaligu,kaas oo su’aalo laga weydiiye khilaagka xisbiga UCID, balse uu guddoomiye faysal si indho la’aan ah u dafiray inuu khilaaf ka dhex jiro xisbiga UCID,isagoo weerar ku qaadayna waa ina cali waraabe guddoomiyaha xisbiga WADDANI iyo beesha uu ka soo jeedo ee habar-yoonis, waxaanu cirro ku tilaamay nin ku kibray markii uu dadka baray, halka uu beesha cirro ka soo jeedona uu ku sheegay qaar wax cod ah xisbiga UCID .
Guddoomiye faysal ayaa ugu horayn jawaabtiisa ku bilaabay dafiraadka khilaafka UCID”Runtii khilaaf ma jiree Jamaal waanu sharraxnay, haddii aanu sharraxnaynay wakhti bay ahayd, imikana wakhtigii wuu isbeddelay oo salaadba wakhtigeedaa la tukadaa, waana qiimaynaynaa haddii loo bogi waayo.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Guddoomiye faysal cali waraabe oo haddalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray “Haddii musharraxu leeyahay la ilama tartami karo isagu taas xaq uma lahee xisbigaa iska leh, aniga iyo jamaalna nama dhex taallo’e waa arrin xisbi.”Ayuu Yidhi Faysal
Guddoomiye Faysal oo wax laga weydiiyey khilaafyada soo noqnoday ee xisbiga UCID , ayaa ku dooday inuu markii hore cirro khiyaameeyey kuna kibray dowlado shisheeyaan u soo raacay, haddana jamaal oo uu musharax ka dhigay aanu xisbiga UCID waxba ku soo kordhin “Xisbiga Ucid Tacab badan baan geliyey, Cirro-na isagaa igu kibray oo isagoo aan cidi aqoon baan Somaliland oo dhan dusha ka saaray, ilamana uu shaqaynin, tolkiina cod imuu siinin, markii dambena wuu I mijo xaabiyey, Jamaal-na waanu sharafnay oo saddex sano horteed baanu keenay wax allah iyo wax uu soo kordhiyeyna ma jirto, imikana waa la is qiimaynayaa.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here