Cilmi seeynis cusub oo qofka lagu aqoonsan karo gacmihiisa

0
19
Haddii qofka aad gacantiisa aragto, waa la ogaan kara qofka uu yahayLahaanshaha sawirkaGETTY
Image captionHaddii qofka aad gacantiisa aragto, waa la ogaan kara qofka uu yahay

Dadka dambiga geysta, gaar ahaan dambiyada la xiriira carruurta ayaa waxa ay inta badan wajigooda ka qariyaan kaamirooyinka, waxaana aad u adkaata in la aqoonsado dambiilaha oo kadibna lasoo qabto. Waxa kaliya ee dambiilaha laga arko ayaa ah gacmihiisa.

Balse cilmi seeynis cusub oo lasoo saaray ayaa waxaa lagu ogaaday in qofka wajigiisa aanba loo baahnayn haddiiba gacmihiisa la arko, halkaasna laga tixraaci karo qofka uu yahay.

Sida ay qabto Prof Sue Black, gacan kasta waxa ay leedahay qaab dhismeed u gaar ah, gaar ahaan sida ay u samaysanyihiin xididada, xitaa labada gacan ee qofka ku wada taala ayaanan isku qaab ahayn.

Labada qof ee mataanaha ah laftooda gacmahooda waa ay kala duwanyihiin, mana jiro qof kan kale u gacan eg.

Professor Sue Black oo ka tirsan jaamacadda DundeeLahaanshaha sawirkaPROFESSOR SUE BLACK
Image captionProfessor Sue Black oo ka tirsan jaamacadda Dundee

Waxa ugu horeeya ee la eegayo ayaa ah xididada gacanta, kuwaas dhismahooda uu soo biloowdo marka uu qofka caloosha hooyadiis ku jiro.

Waxaa kale oo la eegi karaa astaamaha uu qofka ku dhashay sida barta, iyo marmarka meelo ka mid ah jirta, kuwaas oo leh qaabab kala duwan oo qofka lagu garan karo, loogana sooci karo dadka kale.

Maqaarka ama haragga qofka ee gacanta ayaa sidoo kale leh qaab gaar ah oo uu qof kasta oo kale uu kaga duwanyahay samays ahaan.

Prof Sue ayaa waxa ay sheegtay in carjawda cidida meesha ay ku dhamaato ah ay qof dambiile ah ku aqoonsatay, kaas oo markii dambe dambigii lagu heley arrintaas darteed.

.

Kadib sanooyin badan oo shaqo iyo tijaabo ah, Prof Sue waxa ay keydisay xog ku filan oo caddeyn u noqon kara arrimahan cusub ee ay sheegtay.

Waxayse qabtaa in loo baahanyahay cilmi baaris dheeraad ah iyo tijnoolajiyad arrintan lagu sii horumariyo, loogana dhigo mid dhaqan gal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here