Home Warka Ciidanka SARS Nigeria: Ciidanka la neceb yahay “waxay iga siibeen ilkaha”

Ciidanka SARS Nigeria: Ciidanka la neceb yahay “waxay iga siibeen ilkaha”

0
20

A demonstrator holds a banner during a protest against alleged police brutality, in Lagos, Nigeria

Qoraalka sawirka,Dibadbaxayaasha Nigeria ee hal ku dhiggoodu yahay #EndSARS waxay u badan yihiin dhallinyaro.

Markhaatigii ugu horreeyay ee baaritaanka Nigeriya ee ku saabsan arxan-darrada booliiska wuxuu sharraxay sida loo jirdilay iyo sida ilkaha ay uga soo saareen xubno ka tirsan ciidanka gaarka ah ee loo garanayo SARS.

Okoye Agu ayaa la xiray ka dib markii maamulihii uu u shaqeynaayay ku eedeeyay in uu xaday alaab.

Baaritaanka ka socda gobolka Lagos ayaa la sameeyay ka dib dibadbaxyo ka dhacay waddankaas oo dhan oo lagu dalbanayay in meesha laga saaro ciidamada Sars oo lagu eedeeyay jir-dil, dil iyo tacadiyo kale.

Waxa kale oo laga yaabaa in baaritaanka lagu eego toogashada mudaharaadyadii toddobaadkii la soo dhaafay ee ay kooxaha xuquuqda aadanah sheegen in 12 qof ay ku dhinteen.

Okoye Agu markii uu markhaati furka sameynayay wuxuu sheegay in sannadkii 2014-kii la garaacay, lana horkeenay fagaaraha isagoo dambiile laga dhigay, halkaas oo ilkaha looga tuuray.

Intaas waxaa sii dheer, gaarigiisa iyo taleefankiisa gacanta ayaa la iibiyay isagoo aan lagala tashan, fasaxna laga haysan. Waxaa tallaabadaas sameeyay saraakiisha booliska SARS.

“Booliska waxy iidiideen magdhowga ay maxkamadda ii xukuntay”, wuxuu sidaas u sheegay guddiga oo uu hogaaminayo garsoore howlgab ah.

Wuxuu sheegay in qoyskiisa aysan ogeyn meeshii lagu hayay markii ay booqanayeen saldhigga booliska ka dib 47 maalmood oo ay raadinayeen. Sidoo kale waxaa mar lagu horgaraacay xaaskiisa iyo hooyadiisa hortooda.

Ka bood Facebook boggan, 1

Macluumaadkan lama heli karo

Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.

Dhammaadka Facebook boggan, 1

Dhibaatada ku dhacday Mr Agu waxay ka mid noqotay eedeymo kale oo loo jeediyay saraakiisha SARS, kuwaas oo la sheegay inay dhibaateeyeen, garaaceen mararka qaarna dileen dad badan oo rayid ah.

Seddexda kiis ee kale ee la qorsheeyay in la dhageysto Talaadadii ayaa dib loo dhigay maadaama qaar ka mid ah markhaatiyadii ay quseysay aan la helin.

Xadgudubyada la sheegayo in ay geysteen booliska SARS waxaa ka dhashay mudaaharaadyo ballaaran oo ka dhacay guud ahaan Nigeriya oo lagu abaabulay hal ku dhigga ah #EndSars. Waxay taas horseeday in madaxweyne Muhammadu Buhari uu kala diro qaybta booliska Sars.

Protesters at anti-police demonstrations in Nigeria
Qoraalka sawirka,Dalka Nigeria oo dhan waxaa ka dhacay isu soo baxyo lagu dalbanayay soo afjaridda tacadiyada booliska.

Dowladda federaalka ayaa ka codsatay in mid kasta oo ka mid ah 36-da gobol ee dalka laga sameeyo baaritaanno madaxbannaan.

Guddigan oo ka kooban 11 xubnood, oo ay ku jiraan laba wakiil oo ka socda mudaharaadayaasha, ayaa sii shaqeyn doona lixda bilood ee soo socota. Shaqadooda waxaa ka mid:

  • In ay dhageystaan, cadeynna ka soo uruuriyaan dhibanayaasha ama qoysaska dadka ay xadgudubka u geysteen ciidanka SARS
  • In ay qiimeeyaan in magdhow la siin karo ka dibna ay lacag siiyaan dhibanayaasha iyo qoysaskooda
  • In ay go’aan ka gaaraan haddii askartaas la maxkamadeynayo
  • In ay soo saaraan talo ku saabsan sida looga fogaan karo in xadgudubyo kale la geysto mustaqbalka

Guddoomiyaha gobolka Lagos Babajide Sanwo-Olu ayaa ku dhawaaqay in baaxadda shaqada guddiga la ballaariyay, laguna soo daray dhacdooyinkii Lekki ee 20-kii bishan October, ee ay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha sheegeen in askarta ay rasaas nool u adeegsadeen dibadbaxayasha, inkastoo ay militariga gaashaanka u daruureen eedeyntaas.

Shacabka ayaa la socon doono sida ay dawlada ay u fulineyso talooyiinka gudiga marka ay shaqadooda dhamayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here