Taliyaha ilaalada madaxtooyada gaashaanle sare Cabdirisaaq Siciid Bulaale oo ugu horayn ka hadlay madasha ayaa yidhi “Xafladani waxay ku saabsan tahay inaanu wareejinayno lacag abaaraha ah, maadama oo umadda reer Somaliland bari iyo galbeedba abaar aad u saamaysay ay jirto; waxa aanu ku tashanay ciidankayga ilaalada madaxtooyada si aanu uga goyno mushaharkooda qadar lacageed oo dhan sodon milyan (30,000,000) waxa aanu ka goynay shaqsi kasta oo ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada waxa aanu ku wareejinaynaa guddida abaaraha si ay u gaadhsiiyaan dadkeena ay abaaruhu samaayeen”
Wasiiru dawlaha madaxtooyada mudane, Maxamed Muuse Abees oo isna madasha ka hadlay ayaa u mahad naqay ciidanka ilaalada madaxtooyada, waxaanu yidhi
“Mushaharkoodii yara ayey iska soo jareen, waxa aanu leenahay guddida abaaraha ciidanka intaas ayaanu ka soo uruurinay intiina inaad nagala wareega ayaanu leenahay”
Wasiirka diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo lacagtaasi u gudoomay guddida abaaraha ayaa isna aad ugu mahad naqay ciidanka madaxtooyada, gaar ahaana saraakiisha sare ee ciidanka