Muqdish0(Saxilnews):-Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa saaka isaga baxay degaanka Ceel Cali oo illaa 70km dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Beled-weyne.
Talaabadan ayey wararku sheegayaan iney ka dambeysay dib markii xalay xoogaga Al-Shabaab ay madaafiic hoobiyeyaal ah ku garaaceen degaankaas.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada saaka ka baxay degaanka Ceel Cali ay u jiheysteen dhinaca magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan kuwo Soomaali ah ayaa muddo dheer degenaa degaanka Ceel Cali, mana cadda khasaaraha ka soo gaaray duqeyntaas xalay lagu soo weeraray.
Sidoo kale lama oga in ciidamadan wada socda ay Ceel Cali uga soo baxeen duqeynta xalay awgeed iyo in bixitaankoodu ahaa mid horey ugu qorsheysnaa.
Wararkii ugu dambeeyey ee hadda na soo gaarayana waxay sheegayaan in xoogaga Al-shabaab oo la wareegeen degaanka Ceel-cali ee ay saaka isaga tageen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida.