Iskoollada ayaa laga doonayaa in ay la socdaan dhaqamada carruurta isla markaana ay soo sheegaan wax kastaa oo taageero u noqon karayo kooxaha u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda. Arrintan ayaa qeyb ka ah sharciyada cusub ee waxbarashada Hong Kong.
Sharciga amniga qaranka ayaa la soo rogay bishii Juun ee saandkii la soo dhaafay, waxaana xukuumadda Beijing ay ku doodeysaa in loo baahan yahay sharcigaasi in wax looga qabto qalalaasaha ka dhashay dibadbaxyada dimuqraadiyadda loogu ololeynayo ee muddada ka soconayay magaaladaasi.
Kumannaan carruur ah ayaa qeyb ka noqday dibadbaxyadaasi dimuquraadiyad doonak ahi.
Xafiiska waxbarashada ee Hong Kong ayaa Khamiistii dhaweyd gelinkii dambe waxa uu soo saaray sharcigan oo ay la socdaan muuqaallo ardayda u sharxaya waxa uu yahay sharciga amniga qaranka.
Sharcigu wuxuu dambi ka dhigayaa goosashada dhuleed, qaran-dumisnimo iyo iskaashi lala yeesho xoogag shisheeye, iyadoo qofka dambigaasi lagu helo uu muteysanayo xabsi daa’in.
Muuqaalka ayaa waxaa ku jira guumays iyo laba arday oo sharxaya in sharciga amniga qaranka loo soo saaray “danta Hong Kong ee dhanka horumarka joogtada ah iyo barwaaqada muddada fog ah awgeed”.
“Dhammaanteen waan ognahay in Hong Kong ay tahay qayb lama taabtaan ah oo ka mid ah dalkeena,” ayaa lagu yiri farriin ku jirtay muuqaalkaasi.
Ardayda dugsiyada hoose ayay sidoo kale tahay in la baro heesta calanka iyo sida ixtiraamo iyo sida ciidanka xoreynta dadka uu u ilaaliyo Hong Kong. Ardayda da’da weyn ayay tahay in ay bartaan xadka lagama gudbaanka ah ee xuquuqda iyo xorriyadaha Hong Kong.
Sharcigan ayaa sidoo kale lagu lifaaqi doonaa maadooyinka kale ee sida juquraafiga iyo bayoolajiga.
Maamulka dugsiyada ayaa laga doonayaa in ardayda iyo macallimiinta ay ka joojiyaan heesaha gaarka ak ah – taas oo micnaheedu yahay in laga hortago in carruurtu ay ku heesaan ereyada hal-ku-dhigga u ah kooxaha u ololeeya dimuquraadiaydda Hong Kong.
Dhammaan buugaagta khatarta ku ah amniga qaranka ayay tahay in laga saaro maktabadaha dugsiyada.
Sharcigaasi cusub ayaa waxaa dhaliilay Tin Fong-Chak, oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka midowga macallimiinta Hong Kong.
Mr Tin ayaa wargayska Financial Times u sheegay in sharcigani uu yahay mid aan aad looga fiirsan.
“Dowlada kuma kalsoona iskoollada. Sharcigani wuxuu dhaawacayaa xiriirka macallimiinta iyo ardayda,” ayuu yiri.
Sharciga amniga qaran ee Hong Kong
Hong Kong ayaa lahayd ismaamul gooni u ah tan iyo markii maamulkeedu uu Ingiriiska ku wareejiyay xukuumadda Shiinaha sanadkii 1997, waxaana dadka magaaladaasi ay haysteen xorriyadda hadalka oo gaarsiisan heer aad ugas arreeyo kan ka jira dal weynaha Shiinaha.
Haseyeeshee, sharcigani cusub ayaa waxaa ku jira qodobbo dambi ka dhigaya gooni-u-goosadka, qaran dumisnimada, argagixisonimada iyo la shaqeynta ciidamo shisheeye, waxaana qofkii dambigaasi lagu helo uu muteysanayaa xabsi daa’in.
Sharcigan ayaa sahlaya in la ciqaabo dadka dhigaya muddaaharaadyada, waxa uuna sidoo kale dhimayaa awoodda is-maamulka Hong Kong.
Sharcigan ayaa sidoo kale awood u siinaya Beijing inay u qaabeeyso nolosha magaaladaasi.
Waxaase dadka dhaliilaya sharcigan ay sheegayaan in uu baabi’inayo xorriyadda hadalka isla markaana uu cabburinayo dibadbaxayaasha.
Dowladda Shiinaha ayaa ku doodeysa in sharcigani cusub uu dib soo celinayo xasilloonida Hong Kong kaddib muddo sanad ah oo ay rabshado ka dhacayeen halkaasi