Caro ka dhalatay kufsiga gabdho Soomaali ah oo seddex iyo afar sano kala jira

0
20

Caro ayaa ka dhalatay afduubka iyo kufsiga loo gaystay laba gabdhood oo yaryar oo Soomaali ah ah oo afar iyo saddex sano kala jira

Moqdisho(Saxilnews)

Arrintan ayaa ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaana hadda dhibbanayaasha lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Arrintan aya maarkii ay soo shaac baxday dhalisay hadal hayn badan oo dhinaca baraha bulshada ah iyadoo dadka ay ku baaqayeen in dhibbanayaasha ay helaan caddaalad.

Dhakhtarka mas’uulka ka ah isbitaalka lagu daweynaya gabdhaha ayaa sheegay inay u baahan yihiin qalliin weyn.

Masuuliyiinta deeganaka ayaa sheegay in dowr qof loo so qabtay kufsiga iyo weerarka loo gaystay gabdhahan Arbacadii.

Waalidiinta gabdhahan ayaa sheegay in la weeraray iyagoo ku sii socda guryahooda kana yimid iskuulka.

Nimanka lagu tuhunsan yahay dambigan ayaa la sheegay inay afduubeem gabdhaha ka hor inta aysan kufsanin.

Baadigoob dheer kadib, gabdhahan oo muddo 24 saac maqnaa ayaa markii dambe ay walaidiintood heleen.

20-kii bishii March ayaa gabar 7 sano jir ah lagu kufsaday deegaanka Balanbale ee Galmudug.

Wasaaradda arrimaha Haweenka ee Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo soortay ku cambaareysay kufsiga loo gaystay gabdhaha da’da yar kana dalbatay dadweynaha inaysan magacyadooda iyo sawirradooda ku baahinina baraha bulshada si aan dhaawac dheeraad ah loogu geysan gabadhaha iyo qoussaskooda.

“Waxaan ugu baaqeynaa qof walba inuu ixtiraamo dhwor-sanaanta iy sharafta dhibbanayaasha iyo qoysaskooda”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda.

Women protesting in Puntland region

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here