Canada: Nin Cunsuri Ah Oo Hubaysan Oo Toogasho Ku Dilay 16 Qof…

0
17

Nin hubeysan oo watay gaadhi booliis ah ayaa dilay ugu yaraan 16 qof oo ay ku jirto haweeney magaalada  Nova Scotia ee dalka Canada, sida ay sheegeen booliiska federaalka, waana kiiskii ugu xumaa ee noociisa ah taariikhda dalka Canada.

Ninka toogashada geystey, ayaa lagu sheegay magaciisa Gabriel Wortman, oo 51 jir ah, waxaana toogtay askar boolis kadib 12 saacadood oo lagu daba jiray.

Dhibbanayaashu waxaa ka mid ahaa gabadh ruug-caddaa ah oo la shaqeysa booliiska  ( RCMP ) Royal Canadian Mounted Police, oo iyaduna gacanta ku haysa hirgelinta sharciga degmada iyo fulinta sharciga ee gobolka.

Rabshadaha nuucan ah ee ka dhaca Canada aad bay uga yar yihiin kuwa deriska la ah Mareykanka, hubkuna si aad ah ayaa loo xakameeyaa, laakiin kan ayaa ah kii ugu xumaa ee abid ka dhaca dalka, waxaana ay ka sarreeya kii 1989-kii markaas oo nin hubeysan uu dilay 14 haween ah ardayda dhigata Montreal’s Ecole Polytechnique.

Telefishinka dadweynaha ee CBC ayaa soo xigtay Wakiilka RCMP Brenda Lucki isagoo leh booliisku way ogyihiin ugu yaraan 16 dhibanayaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here