Cali Mareexan Iyo Maxamuud Xaashi Oo Geeska Is Geliyey Kala Riixashada Dumaasha Xisbiga Kulmiye

0
16

Ceerigaabo (Saxilnews.com)-

Loollanka marna hagbadda, marna is-muquuninta ee dummaasha gudoonshaha Kulmiye Muuse Biixi dabadii, iyo sidoo kale, damaanadda hibbeynta Codka bulshada bariga Burco ee Musharraxnimada Muuse Biixi Cabdi, ayaa galay wajigii ugu dambeeyey ee ay ku kala calaf qaadayeen labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Musharraxa Xisbiga Kulmiye iyo Wasiirka Madaxtooyaddu Maxamuud Xaashi Cabdi, oo hadda isaggu isu arka dhankooda inuu yahay Nin Xaraarta-butaystay, oo aan cid kale ku qoor-diyeyn, waxad mooda in ciyaartii kama dambeysta ee lagu kala hadhayey hadda u wareegtay garoomada deegaanada bariga, walow Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa labada laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo ka qaybgalka ciyaarta soo gunnaanadi doonta loollanka mudada dheer soo jiitameyey.

Sidaas darteeda Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sida lagu sheegay Warar Wargeyska Yool ka helay ilo arrimahan u dhuundaloola, waxa Md. Maxamuud Xaashi ku hawlan yahay sidii uu ugu qancin lahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi inuu ku dhiirado inuu wareejiyo dumaasha Xisbiga Kulmiye hadda oo aanu fulinta arrinka ka war-wareegin, iyadoo sida iluhu tibaaxeen weliba Maxamuud Xaashi dhankiisa sii diyaarsadday waxgaradka iyo duqaydii u jilib-carayn lahayd Gudoomiye Muuse Biixi iyo xubnaha beeshiisa ee kulankaa ku meteli doona.

Geesta kale, marka loo kuur-galo arrinka, gaar ahaan cidda ku haboon la daawaysiga Kulmiye ee Muuse Biixi, waxad mooda in hadda la joogo waqtigii bur iyo Biyo loo kala baxayey, sidaas darteedna dhamaan xubnihii xilkan quud-darraynaayey laftooda qaarkood hadda quusteen, halka kuwo kale, oo dar-dartooda qaba iyanna Ciyaarta jaanta lasoo galeen. Tusaale ahaan, Mujaahid Maxamed Kaahin ahna Gudoomiye-ku-xgeenka hadda ee Xisbiga Kulmiye, sidoo kalena marka laga soo tago summada reernimo ah shaqsi ugu mudan in lagu foolladeeyo dumaasha jagada Gudoomiyaha Kulmiye, ayaa sida Wararka amuurtan la xihdhiidha lagu sheegayo, waxa uu hada u muuqda Nin hun-gurigii jagadaas ka hayey ku furtay saaxibkii Muuse Biixi, isla markaana hoos ahaan u siiyey inshaaro uu hore u soco ku leeyahay Musharraxa Kulmiye.

Hase-yeeshee, markaad usii-dhabbo-gasho mullaaqa Siyaasadda hag-badeysan ee Xisbiga Kulmiye daah-furay, waxad moodaa markale in xaalka arrinka Kulmiye noqday Faannoole fari kama qadno, oo sidii qori isku dhiibka hir-markii la dhaafaba uu mid kale soo baxayo, waxa taasna u daliil ah dardarta cusub ee u lasoo baxay Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexan, oo sida ay saadaaliyeen dadka ku takhaakhusay axwaasha Kulmiye, garabka-garabka ugu haya Gudoomiye Muuse Biixi, isla markaana ku doodaya in xujjada wareejinta Kulmiye loo daayo qaabkii lagu galay waqtigii uu Musharraxa ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ahna in wareejinta Gudoomiyenimada Xisbigu loo daayo kaddib Doorashada Madaxweynuhu markay dhacdo, oo weliba Muuse Biixi ku guuleysto Xilka Madaxweynenimo ee dalka. Hase-ahaatee Wasiir Cali Mareexan ayaa marka loo eeggo dhiggiisa Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi waxa uu muuqda in doodiisa arrinkani anay jirin cid la wadaagta dhanka taageerada guud ee Beesha, balse ujeedka arrinkiisu uu dhaadhamayo mid uu ku waddeynayo dooda iyo damaca Maxamuud Xaashi.

Si kastaba ha ahaatee, marka la isku wada geeyo dhaq-dhaqaqyada socda, dhawaaqyadii kala dambeeyey ee odayaasha bariga Burco qaarkood kasoo yeedhayey, waxaad mooda in Alle is badday inay is-wajahan Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo sidoo kale, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo isagga laftiisu markii mushkiladaha Kulmiye iyo xukuumaddu isu dhii-dhiibeen hadda aad moodo inaanu kala jeclayn guul iyo Guuldaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here