CALI-MAREEXAAN, Wasiir U Tafa Xaydan Sumcad Dilista Madaxweynihiisa….!!

0
26

sooyaalka taariikheed ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),waxa cid kasta oo aqoon u lihi ay ku sifeeyaan nin xor ka ahaa noloshiisa dhaqanada badiyaa  lagu sifeeyo ragga xilalka soo qabta had iyo jeer,sida: Qabyaalada,Eexda, Laaluush qaadashada,Musuqa iyo Lunsiga Hantida ummadda,aar goosiga siyaasadeed, meel-marinta danaha gaarka ah,iyo ka fogaanshaha danta guud-ahaaneed,qof jeclaysiga iyo waxyaabaha la hal maala ee wiiqa ujeedooyinka horumarka ummadu geeddiga ku tahay.

Dadka aqoonta u leh ama lasoo shaqeeyey waayaha nololeed ee Axmed-SIILAANYO, waxay badiyaa tilmaamaan in uu yahay waddani  jeclaa markastaba inuu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto,weligiina aan lagu xaman musuq , wax is daba marin,hanti urursi  iyo boob.

sida ay sheegaan dadkaasi u dhuun daloola hab-dhaqanka Axmed Siilaanyo waxay  tilmaa-maan oo kale  inay xil-qabashada iyo masuuliyaddu u ahayd wax  uu la kacaamay oo muhibo u ah, Teer iyo wakhtigii uu gaashaan-qaadka noqday,xilli kasta oo noloshiisa ka mid ahna uu xil soo hayay heer kastaba xilkaasi ha  le’ekaadee,

Kolka tilmaamahaasi laga bixinayo madaxweynaha haatan talada haya AXMED.M.SIILAANYO,waxa laga yaabaa inay dad badani u arkaan in ciddaasi  amaantu kasoo burqatay ee  u miisaya odayga  ay yihiin kuwo ay iska ag dhow yihiin,oo asxaabtiisa ka mid ah,ama dad u qaraabo- kiilaya  oo reernimo ka hadlinayso iwm,balse xaqiiqadu sidaasi ma aha,waxayba akhristow u badan yihiin,ragga siyaasiyiinta ah ee Axmed Siilaanyo  ay mudada aadka u dheer  Ku kala fogaayeen aragtida  dhinaca siyaasadda,waxa kale oo taasi  kasii yaab badan,inay ku jiraan oo kale,kuwo  kuu sheegaya inay isaga shakhsi ahaan u neceb yihiin.

halka dadkaasi ay ka mid yihiin oo kale,kuwo  colaad gaamurtay ugu haya mucaaradad-dii uu kala hor yimi dawladdii kacaanka  ee wakhtigii halgganka,kolkii danbena   colaadoodii halkii kasii socotay  soona gaadhsiisan tahay ilaa heerkani maanta somalilander ahaanta  iyo mawqifkiisa gooni isu taagga,oo midnimo soomaali weyn iyagu  U buka,Ama u harraadan, kuwaasi oo dhalasho ahaan kasoo jeeda soomalia iyo Somaliland labadaba,  isla markaana ay  xilal kasoo wada qabteen,dawladdii millateriga ahayd, wakhtigii uu axmed siilaanyo xilalka wasiirnimo kasoo hayay,waxa kale oo shakhsiyaadkaasi qayb ka ah, kuwo  sifaadka ay ka bixiyeen ee fiican kadib kuu sheegaya in aanay isaga shakhsi ahaan wanaag mooyiye wax nacayb ah u haynin,balse dhibaatadu tahay  dadka ka ag dhow ama rakaabkiisa oo badiyaaba  xun (macnaha nin aan cidna diidin).

Hadaba Axmed .M. Siilaanyo oo mudadii uu xilka hayay lagu majeerto waxqabad aan la koobi Karin oo dalka iyo dadkuba baahi weeyn u qabeen,ayaa waxyaabaha aan hore u jirin ee uu ka fuliyay dalka kolka lagasoo tago,waxa uu qaaday tallaabo uu kor ugu soo qaadayo bilicda iyo haybadda qaranka,isagoo isbedel ku sameeyey dhismayaashii xarrumaha u ahaa hay’adaha dawladda ee caasimada  ee nusqaanta ku ahaa qaranka oo ahaa  dhismayaal gaagaaban oo soo jiray in ka badan 50 sanadood.

bedelkooda xarrumahaaasi waxa uu madaxweynaha jsl ka dhigay dhisme dabaqyo ah,oo u qalma xarrun maamul wasaaradeed,isla markaana bilay haybaddii qaranka.

Waxa hadaba iswaydiin leh madaxweynihii qaranka iyo xukuumaddiisii hadafkoogu sidaasi ahaa,maxaa sababay in magaala madaxdii gobolka togdheer ee burco,in dhismayaashii hay’adaha dawladda ee ka jiray,iska dhaaf dib u dhis iyo fooqyo laga sameeyo’e, lagu wareejiyo dad ganacsato ah,oo aan dalka iyo dadka toonna wax dan ah ka lahayn ee dantooda uun eegaya,guryaha loogu tala galay xaasaska booliska,halkii intii jirtay laga sii kordhin lahaa,miyaanay nasiib darro ahayn in dhegaha dadka jecel waddankooga ay maqlaan maanta,dawladda hoose iyo cali mareexaan ayaa iibinaya,

Waxaan leenahay tallaabadaasi maaha dhaqankii looga bartay,Axmed m siilaanyo,waase mashruuc ay wataan munaafiqiin shaadh dawladeed xidhan,ganacsato ah,oo doonaya inay xabaal u ridaan karaamadii taariikhdii sharaftii madaxweynaha cimrigiisa kusoo bixiyay siduu shacbiga uu ka dhashay wax ugu qaban lahaa ilaa maalintii uu hana-qaadka noqday.

Dhismayaasha guryaha booliska ee xuddunta magaalada burcona waxay la mid yihiin xeradii ciidanka birjeex ee magaalada hargeysa,oo ay ku fashilmeen iimaan laawayaashii dabada ka riixayay iibkeega,madaxweynuhuna uu amarka lagu joojinayo kasoo saaray.

Sidaasi awgeed waxaanu ugu baaqaynaa ragga gacanta kula jira arrintaasi inay qorshahaasi guryaha poliska oo ah mid aan suurto gelaynin dib uga noqdaan.

Waxa kaloo aan u sheegaynaa in ay xaaraan ahayd lacagtii ay siiyeen dadkii gurayahaasi ku jiray,maxaa yeelay xaq umayna lahayn in iyagoo in ka badan 20sano kusoo jiray guryo ciidanka boolisku leeyahay,intaasna loo tudhayay inay maanta lacag baad ah oo sife lagu siiyaa jirin iska qaataan,waxa ku filayd aqaladan booliska ayaa iska lahaa,waa inaad ka baxdaan,waayo?waxay ka dhigan yihiin dad deggan xarruntii maxkamadda gobolka, tii wasaaradda wax barashada,ama saldhigii dhexe ee poliska burco,kuwaas ma inta lacag la siiyaa la oran lahaa ka guura xarrunta? ,jawaabtu waa maya,haddii reer burco maqleen dad baa lacag loo celiyay guryo hargeysa ah ku jiray,adeer guryahaasi waxay ahaayeen kuwo shaqalihii ingiriisku ku jiri jireen kolkii danbena dad shicib ahi qabsadeen,balse aqaladan hay’addii lahayd ayaa jirta oo qaranka ka mid ah,waana taliska boliska Somaliland inta Somaliland jirtona waa hay;ad jiri doonta.

Guntii iyo gunaanadkii: malaha Run maaha’e waa Riyo Axmed Siilaanyo oo talada dalka  haya, ayaa CALI MAREEXAAN  iibinayaa  dhismayaashii ciidanka boliska Somaliland ee magaalada burco Isagoo ugu dhuumanaya suuqyo ganacsi……

Xasan jaamac qaalib(dhako)….Hargeysa

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here