Calam:Anika Chebrolu: Gabadha 14 jirka ah ee xalka muhiimka ah u keentay fayraska corona

0
21

Anika Chebrolu, oo ah ardayad dugsiga sare dhigata, kana soo jeedda magaalada Fridco, gobolka Texas ee dalka Mareykanka waxay heshay hab faryaska corona looga celin karo inuu jirka bani’aadanka galo.

Guusha dhinaca seyniska ah ee ay keentay gabadhan ayey ku muteysatay abaalmarinta “seynisyahanka ugu da’da yar uguna sarreeya Mareykanka ee 2020-ka”.

Billaddan oo ay la socoto lacag dhan $25,000 waxaa lagu maalgaliyay barnaamij ay hay’ado badan ka qeyb qaataan.

Waa abaalmarintan oo sannadle ah waxaa lagu dhiirrigaliyaa ardayda, waxaana aasaasay jaamacado iskaashaday.

Dhalinyaradii seynisyahannada ahaa ee sanadkan ka qeyb galay waxay da’dooda u dhaxeysaa 10 ilaa 14 sano. Marka ay kasoo qeyb galaan tartanka, qof walba wuxuu soo bandhigaa muuqaal uu ku sharraxayo xalka uu u keenay dhibaatooyinka maalinlaha ah.

Laakiin maxay gabadhan heshay? Sidee bayse ku heshay?

SARS-CoV-2, waa fayraska keena cudurka Covid-19, waana fayrasyo boqortooyo ah oo la isku yiraahdo coronavirus.

Erayga corona waa luuqadda latin-ka micnahiisuna waa taajka boqortooyada.

Sheybaarro badan ayaa dadaal ugu jira sidii tallaal loogu heli lahaa fayraskan

Boqortooyadan fayrasyada ah waxay ka kooban tahay burutiin, gaar ahaan mid loo yaqaanno “protein S”, kaasoo u sahla inuu si fudud ku galo jirka bani’aadanka.

Sababtaas awgeed, seynisyahannada adduunka ee ku dadaalaya in la helo tallaal lagula dagaallamo Covid-19 waxay xoogga saarayaan inay protein-kaas weeraraan si looga hor istaago inuu soo galo unugyada jirkeenna.

Cilmi-baarista ay sameyneysay Anika Chebrolu waxay sidoo kale ku wajahneyd isla protein-kaas ku jira fayraska.

“Waxaan helay mulikuyuul la fal-geli kara protein S-ka ku jira fayraska kaddibna baddali kara qaabkiisa iyo sida uu u shaqeeyo-ba,” ayey Anika ku tiri Email sharraxaad ah oo ay usoo dirtay BBC-da.

Arrintanina waxay muhiim u tahay suurtagalnimada “in fayraska laga difaaco weerarka uu kusoo qaado unugyada jirka bani’aadanka, sidaas darteedna waxaa yaraanaya awoodda cudurka ama daawo kale ayaa loo heli karaa marka uu galo jirka qofka,” ayey sii

Gabadhan da’da yar waxay horumarkan ku sameysay cilmi baaris ay u adeegsatay qalab kala duwan oo software ah.

Waxay u kuur gashay sida ay u shaqeeyaan malaayiin mulikuyuul oo aad u yar yar.

Kaddib markii ay cilmi-baarista dhammeysay, Anika Chebrolu waxay soo xulatay mulikuyuulka iyadoo kaashaneysa sheybaarrada ugu casrisan ee lagu daraaseeyo fal-galka protein S-ka ku jira fayraska SARS-CoV-2.

Howsha ay gabadhan sameysay waxay horseedi kartaa in dawo kama dambeys ah loo helo cudurkan dilaaga.

Anika Chebrolu waxay cilmi baaristeeda ka billowday iskuulka Nelson ee ku yaalla magaalada Frisco ka hor inta uusan corona noqonin cudur safmar ah ama aan la ogaaninba.

“Dhowr sano ka hor, Waxaan baadhitaan ku sameeyay cudurkii safmarka ahaa ee Spanish flu, oo dillaacay 1918-kii, baadhitaankaasina wuxuu qeyb ka ahaa mashruuc iskuulka laga sameynayay oo dawooyinloogu raadinayay fayrasyada,” ayey tidhi.

Intii ay cilmi baaristaas wadday ayey wax badan ka fahantay sida ay u shaqeeyaan fayrasyada iyo unugyada ay ka kooban yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here