Dawladda Kenya ayaa markii labaad war kulul ka soo saartay muranka badda ee Soomaaliya kala dhaxeeya.
Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, oo magaceeda loo soo gaabiyo ICJ ayuu hor yaallaa kiis ku saabsan arrintaas, taasoo la filayo iney go’aan kama dambeys ah kasoo saarto cidda sida saxda ah u leh dhul biyood kaas.
Haddaba dad badan ayaa is waydiinaya sababta Kenya ay u soo cusboonaysiisay murankan oo ay uga war sugi la dahay xukunka maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda.
“Waxaa jira shirkaddo dhaqaale badan haysta oo doonaya in ay maalgashadaan shidaalka badda, Kenyana waxay diidan tahay in shirkadahaasi ay dib u istaagaan oo dhaqaalahaasi ka baaqdo, ayuu yiri qareen Soomaaliyeed oo si dhaw ula socda dacwadda badda iyo waxyaabaha kale ee ku xeeran”, balse ka gaabsaday in uu magaciisa sheego.
- Kenya oo ku dhawaaqday mowqif adag oo ku saabsan muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya
- Askari Maraykan ah “oo qorsheeyay weerar argagixiso”
- Maamul goboleedyada Soomaaliya miyay ka hareen siyaasadda arrimaha dibadda?
Kenya ayaase sheegtay in ay qoonsatay in Soomaaliya ay beecisay dhul biyood ay leedahay oo qani ku ah shidaal.
“Xadgudubkan aan wax loo dhiga lahayn ee sida sharci darrada lagu xoogayo hantida dadka reer Kenya, ma ahan mid laga aamusi karo, wuxuuna u dhigmaa fal cadawtinimo oo ka dhan ah dadka reer Kenya iyo hantidooda,” ayuu yiri Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Macharia Kamau.
Dawladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in goobaha shidaalka ee ay London ku soo bandhigtay aysan ku jirin goobaha lagu muransan yahay.
Wasiirradda Arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma oo shir jaraa’id qabatay shalay ayaa sheegtay in ay Soomaaliya uga fadhido raali galin.
“Dalal ayaa dagaal u gala waxa ay Soomaaliya nagu samaysay wax ka yar balse waan is xakamaynaynaa” ayay tiri Monica.
Waxaa jira dareen soo xoogaysanaya oo ah in Kenya ay danaynayso in maxkamadda laga soo noqdo oo wadahadal lagu dhammeeyo, haddaba arrintaas suuragal ma noqon kartaa?
“Ka sharci yaqaan ahaan waxaan fahamsanahay in ay u badan tahay in maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ay labada dal ka codsato in ay isa soo xalistaan, Kenyana waxay hadda ka sii shaqaynaysaa in wakhtigaas la gaaro iyadoo culays saaran yahay Soomaaliya” ayuu yiri qareenkaas Soomaaliyeed ee magaciisa ka gaabsaday.
Tariikhda Muranka badda
Abriill 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.
Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.
Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.
Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.
Agoosto 1, 2009: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.
Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodda ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska.
Juunyo 13, 2015: Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.
Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas.
Desembar 18, 2017: Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.
Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.
Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo.
Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso.
Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas.
Feebaraayo 02, 2018: Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.
Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda.
Feebaraayo 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.
Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay ay ku jirto qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka la xiriira arrintaasi, inta ay maxkamadda cadaaladda caalamiga ee ICJ ay ka soo saareyso go’aankeeda ku aadan murankaasi.
Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto, arrintan ayaan wali xal laga gaarin haddana waxaa jawaab laga sugayaa dhanka Soomaaliya.