Cabdiweli Gaas muxuu eersaday?

0
19
.
Image captionMadaxweynihii hore ee Puntland

Madaxeynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas wuxuu hormuud u ahaa xiriirka sii xumaanayay ee maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa uu tartanka ugu adag uu kala kulmay musharaxiin is bahaystay oo sheegay inay is baddal doon yihiin.

Cabdiweli iyo Faroole

Waxaa la tartamay dhowr musharax oo culus oo lagu tirinayay inay ka ag dhow yihiin Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxman Faroole, oo haatan ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo hormuud u ahaa Saciid Cabdullahi Deni, oo haatan ku guuleystay madaxweynaha Puntland.

Cabdiraxman Faroole oo maalmo ka hor warbaahinta la hadlay ayaa Cabdiweli Gaas ku eedeeyay musuq-maasuq iyo inuu ku fashilmay inuu fuliyo ballamihii uu qaaday.

Ballanqaadyadii hore

Cabdiweli Cali Gaas ayay mucaaradka horey ugu eedeeyeen inuu ku fashilmay ballamihii uu horey u qaaday oo ay ka mid yihiin, ballantii ahayd inuu Puntland gaarsiin doono doorasho qof iyo cod ah.

Kahor inta uusan ugu dambeyntii ku dhawaaqin in uu yahay musharax, Cabdiweli ayaa dhowr jeer oo hore kala caddeyn waayay inuu isa sharaxi doono iyo in kale, taas oo sababtay hubaanti la’aan ku aadan mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Xiriirka dowladda federaalka

Sida uu sheegayo Ciid Baddel Maxamad, oo horey u soo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, doorashadan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa masiirka madaxda maammul goboleedayada kale, iyo weliba doorashada federaalka ee la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo sannadka 2020-ka.

Maadaamma uu haatan meesha ka baxay Cabdiweli Cali Gaas waxaa laga warsugayaa sida uu noqon doono xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland.

Dadka wax indha-indheeya qaarkood waxay qabaan inay wax weyn iska baddeli doonaan xiriirka u dhxeeya labada dhinac.

.
Image captionMadaxda maamul goboleedyada, kuwa hore iyo qaar hadda jooga

Mustaqbalka Iskaashiga Maamul goboleedyada

Golaha iskaashiga maamul goboleedyada ayaa wajahayo caqabaddii ugu weyneyd ee la xiriirta awooddiisa, xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda dhexe.

Toddobaadyo kaddib markii musharaxa ay dowladda Soomaaliya taageereysay uu ku soo baxay doorashadii lagu muransanaa ee Koonfur Galbeed, ayaa haddana waxaa meesha ka baxay Cabdiweli Cali Gaas oo hormuud u ahaa iskaashiga maamul goboleedyada.

Shirkii ugu horreeyay ee ay madaxda maamullada hoos taga dowladda federaalka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Kismaayo waxay ka soo saareen go’aan ay xiriirka ugu jareen dowladda dhexe.

Hase ahaatee muddo yar ka dib waxaa safka maamul goboleedyada ka baxay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ku kulmay Kismaayo.

Xilligaas aad buu u koobnaa culeyska maamullada kale ka soo wajahay ee ku aadaana go’aanka madaxweyne Waare, waxayna shir kale oo ay mowqifkooda ku xoojinayeen ku yeesheen magaalada Garowe.

Madashaas waxay uga dhawaaqeen iney sii wadi doonaan kulamadooda, iyagoo ka soo saaray go’aanno uu kamid yahay iney sameystaan ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda afarta maamul goboleed, kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso 4,000 oo askari.

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo falanqeeya arrimaha Afrika ayaa sharraxaya culayska soo foodsaaray maamul goboleedyada.

“Runti hadda waxaad mooddaa in isbahaysigii maamul goboleedyada uu burburay, sababtoo ah madaxweyne Waare mar hore ayuu heshiis qaatay, Shariif Xasan wuu is casilay oo meesha wuu ka baxay, Galmudug way kala qeybsan yihiin….Marka hadda waxay u muuqataa in dowladda dhexe ay gacan sarrayso oo uu qorsheheeda sidii loogu tala galay u fulayo”.

Haatan waxaa muuqata in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Maxamad Islan, Axmed Madobe, oo keliya ay ku soo hareen iskaashigii maamul goboleedyada,halka kuwii kalena ay u kala qeybsameen mid is-casilay, mid doorasho ku baxay iyo mid dowladda heshiis la galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here