Caalam:Muslimiinta Caalamka Oo Loo Ogolaaday Inay Cimro Ku Tagaan Xaramka

0
36

Caalam:

Muslimiinta ajaanibka ah ee ka yimaada dalalka kale ee dunida ayaa markii ugu horraysay muddo dhawr bilood ah loo ogolaaday in ay masaajidka Xaramka ee Makka cimro ku tagaan tan iyo markii safmarka fayraska korona dillaacay.

Laga bilaabo shalay oo Axad ahayd 10,000 oo qof ayaa loo ogolaanayaa inay xaramka cimro u tagaan.

Waxa shardi ah in dadka cimrada gudanayaa marka ay Sucuudiga gaadhaan ay muddo saddex maalmood ah is karantiimeeyaan inta aanay xaramka galin ee aanay ku dawaafin Kacbada.
Sucuudigu si taxadir leh ayuu u furayaa masaajidada tan iyo markii uu bilaabay in uu debciyo xayiraaddii ka hortagga fayraska korona.

Dadka ku nool dalka gudihiisa ayaa iyaga cimrada loo ogolaaday bishii Oktoobar, hase yeeshee waxa la kordhiyey tirada dadka cimraysan kara si fursad loo siiyo dadka dalka dibadiisa ka imanaya.

Xajkii sannadkan oo ku beegnaa bishii July ee 2020 waxa loo ogolaaday oo keliya 10,000 qof oo ah dadka dalka Sucuudiga gudihiisa ku nool. Taas oo ahayd tiro aad uga yar tiradii malaayiinta qof ahaan jirtay ee sannadadii ka horreeyey sida sawirkan la qaaday xajkii 2016 muujinayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here