Bulshada Muslimiinta ah waxaan ka codsanaya inay nabadbaadiyaan” Aabo Saalax Cawad Cabdi

0
165

Hargeysa (Dawan) Aabo Saalax Cawad Cabdi Xasan, oo degan degaanka Ixrad oo hoos yimaada degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa loo haysta mag dhan 726 halaad, kadib markii wiil uu dhalay uu wiil kale gudin lafdhabarta ama xangulaha ku kala gooyay.

Qaranka Somaliland oo uu madaxweynuhu ugu horeeyo ayuu ka dalbaday in ay ka taageeraan bixinta magtaasi uu awooda u waayay, waxaanu intaas ku daray in magtaas loo haysto ee 726-ka halaad ahi aanay jeebkiisa ku jirin mid xigaalkiisna ku jirin.

Waxa uu sheegay haddii ay magtaasi bixin waayaan in ay iyagu u maqan yihiin, waxa uu intaas raaciyay in aanu magaalada Hargeysa cidna ka garanayn balse waraaq duruuftu u dhiibtay uu la taagan yahay dariiqyada.

Waxaanu yidhi.“Arinba ila kulantay aafa ah oo balaadhan, wiil aan dhalay ayaa nin gudin Xangulaha ku kala goooyay, degaankayguna waa Ceel Afweyn buurta la yidhaahdo Ixrad, waxaan leeyahay hala icaawiyo, arrintaasi aduun iyo awoodba waan u waayay, ALLE haydin caawiyo hala icaawiyo, yaa muslimiinbaan leeyahay, yaa muslimiinbaan leeyahay, dadku waa wada walaalo, 726 halaad ayaa icuskaday, nin Xanguluhu go’an yahay ayaa la igaga xaqay,”

Waxa uu sigaar ah fariin ugu diray madaxda Qaranka oo uu madaxweynuhu ugu horreeyo waxaanu yidhi.“Madaxweynaha, golaha wasiirada, mudanayaasha baarlamaanka, ganacsatada, culimada, bulshada Somaliland qolqoljoog iyo Qurbajoogba, dadka muslimiinta ah wixii diirnaxaa ku yaalo waxaan leeyahay hala iiigurmado oo magtaasi I dultaala bixinteeda hala iga soo caawiyo, ILLAAHEY dartii hala’iga soo bixiyo, hor ILLAAHEY iyo habeen aakhiro hala’iga soo bixiyo”

Waxa uu sheegay haddii ay magtaasi bixin waayaan in ay iyagu u maqan yihiin, waxaanu ka codsaday bulshada in la soo kala furto iyaga iyo qoyska ay dhibtu soo kala gaadhay.

Waxaanu yidhi.“Haddii aanu hada magtaasi bixin wayno anaga ayaa u maqan, ‘bulshada Muslimiinta ah waxaan ka codsanaya inay nabadbaadiyaan oo Dhiiga naga bixiyaan intaan naloo’dilin’, hanala kala gaadho oo magtaasi aan awooda u waayay hala ila bixiyo, Masaajidada iyo dariiqyada in aan la istaagto waraaq telefoonkaygu ku xardhan yahay ayay naftu igu kaliftan oo aan dadka idhaahdo yaa ILLAAHEY wax siiyay, degaankii aan degana waxaan uga imid waa hawshaasi, hala icaawiyo, hala iikaco, hala ikaalmeeyo, magaalada cid iyo ciirsi kumalihi,”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here