Borama (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hir gelisay isla markaana si rasmi ah shalay loo furay Mashruuc malaayiin Dollar Xukuumaddu ku maal gelisay oo ay ka faa’iidaysanayaan dad ka badan 90 kun.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiramaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhiga si rasmi ah uga jaray Mashruuca biyo ballaadhinta galbeedka Magaalada Boorama, kaas oo laga maal geliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Munaasibada xadhig ka jarista Mashruucan waxaa ka qayb galay wasiiradda wasaaraddaha, biyaha, qorshaynta, ganacsiga, masuuliyiinta heer gobol iyo heer degaan ee gobolka Awdal iyo marti Sharaf kale.
Mashruucan ayaa ka koobaan saddex ceel biyood, dhigista 19-km oo ah oo beebabka biyaha gaynaya magaalada, laba taangi oo waa weyn isla markaana midkastaaba qaadayo 500,000 oo litir oo biyo ah.
Hirgelinta mashruucan ayaa wax weyn ka tari doona biyo yaraantii ka jirtay Galbeedka magaalada Borama, waxaana loogu talo galay inay ka faa’idaystaan dad gaadhaya 90,000 (sagaashan kun).