MAXAMED BIIXI YOONIS SIYAASI 30-SANO SOMALILAND KA MAQNAA OO KORNAYL BIIXI KAGA AWOOD BATAY WOQOOYIGA HARGEYSA

0
30

Hargeysa (Saxilnews)- Gudoomiyaha xisbul xaakimka kulmiye mudane muuse biixi cabdi ayaanay ilaa hada ka muuqan bisayl siyaasadeed maadaama oo uu muddo badan ku soo dhex jiray saaxadda siyaasadda somaliland islamarkaana uu xilal kala gadisan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee somaliland

inkastoo ay xusid mudantahay in Kornayl Muuse ka tirsanaa ururkii dalka xoreeyay ee snm hadana ilaa hada ma jiro bisayl siyaasadeed oo uu ka dhaxlay taariikhan kala gadisan ee uu soo maray waxaana arinta ugu layaabka badani dhacday kadib markii muuse biixi uu waqooyiga hargeysa ee beeshiisu degto kaga awood bataywasiir 30 sanno dalka dibadiisa ku maqnaa waxaanay arintani bulshadda u muujisay inaanu gudoomiye muuse wax duruus ah ka baran madaxwayne Siilaanyo oo in muddo ah si gaara xil wayn iskaga saari jiray arrimihiisa siyaasadeed

Wasiirka Khaarajiga Somaliland ayaa saamayn wayn oo taageero ku yeeshay beeshiisa waxaanu ilaa hadda ka taageero badanyahay Gudoomiyaha Kulmiye

si kastaba ha ahaatee gudoomiyaha Kulmiye ayaan waayo aragnimo siyaasadeed ka qaadan madaxwaynayaashii kala gadisanaa ee uu la soo shaqeeyay gaar ahaan Madaxwayne Siilaanyo oo uu muddo badan saaxiib dhaw la ahaa.

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here