Biden oo shaaciyay in 4 July dadka Mareykanka ka ‘xoroobi doonaan’ Corona

0
22
Madaxwayne Joe Biden
 

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dowladiisa ay dardar-galin doonto dagaalka ka dhanka ah feyriska Corona.

Mr Biden ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu heli doono tallaal ku filan kaasi oo ay qaadan doonaan dhammaan dadka waawayn ee Mareykanka dabayaaqada bisha May.

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Mr Biden waxaa uu intaa ku daray in uu gobol walba ku amri doono in ay diyaariyaan tallaalka si qof walba oo Mareykan ah uu tallaalka u qaato.

Intii uu socday ololaha tallaalka ayaa waxaa mudnaanta la siinayay shaqaalaha caafimaadka iyo dadka waayeelada.

Mr Biden ayaa farta ku fiiqan in maalmo wacan ay soo socdaan ka dib muddo sanad ah oo uu feyriska Corona dhibaato ku hayay Mareykanka islamarkana ay u dhinteen nus malyuun Mareykan ah.

“Hadii aan howsha wada qabano, marka la gaaro 4 July waxaa jiri doona fursad ah in qoysaska iyo asxaabta ay isu imaan karaan oo ay u dabaaldagi karaan maalinta xorriyadda,” ayuu yiri Mr Biden.

Waxaa uu intaa ku daray in dadka dalka aysan u dabaaldagi doonin oo kali ah maalinta xorriyada, balse ay u dabaaldagi doonaan “ka xaroobidda feyiska “.

Dalka Mareykanka ayaa noqday dalka kaalinta kowaad kaga jira tirada dadka ugu badan ee feyriska u dhintay caalamka.

Waxaa uu cudurka galaaftay noolasha 529,00 oo Ameerikaan ah islamarkana waxaa uu ku dhacay dad ka badan 29 milyan oo qof.

Tirada uu cudurka ku dilay dalka Mareykanka ayaa ka badan marka la isku daro dadkii Mareykanka uga dhintay dagaalkii labaad ee aduun, dagaalkii Vietnam iyo waliba weerarkii 11 september.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here