Berbera:Mooshin Quute X. Bukhaari Iyo Xildhibaan Kale Oo Dekada Berbera Ka Soo Rogay Raashin Wasakhaysan + Wasiir Samsam Oo Cashuur dhaaf u Samaysay Iyo Khatarta Caafimaad + Digniinta Bulshada

0
25
Hargeysa (Saxilnews)_ Sida ay ilo-wareedyo madax-bannaan ku heshay war sheegaya in Markab sida raashin wasakhaysan oo ka qeyb ahaa caawimo hore loogu siday dadka barakacayaasha ah ee Yeman uu soo gaadhay dekadda magaalada Berbera ka dib markii ay dawlada Yeman diiday in lagu rogo dalkooda.
Raashinkan oo Sucuudigu ku caawinaayey dawlada Yeman, ayaa ay wararku sheegayaan in ay ku jabtay bullaacadda Markabka M.v IDIL oo siday raashinka isla mar ahaantaana ay dawladda Yeman isu soo dhaafisay maamul goballeedka Puntland, balse ay iyaguna diideen in lagu rogo dalkoodaas, waxaana ugu dambeyntii loo soo waariday dhinaca dekadda magaalada Berbera oo hadda laga soo dejiyey.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in raashinkan wasakhaysan ay soo waaridiyiddiisa shuraako ku yihiin Xildhibbaan Saleebaan Cawad Cali Bukhaari oo ka tirsan golaha Wakiilada iyo Xildhibbaan Cabdiraxmaan Sisto, isla mar ahaantaana hada ay ku rogeen bakhaar ku yaala magaalada Berbera uu leeyahay in ay ilmaadeer yihiin Saleebaan Bukhaari.
Dhanka kale wararku waxa ay sheegayaan in raashinkan ay cashuur dhaaf u samaysay wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo. Samsam Cabdi Aadan isla mar ahaantaana uu mas’uulka hay’adda dhowrista tayada u qaabilsan magaalada Berbera aanu u baadhin si hufnaan ah, isaga oo dadka tusay kaliya inyar oo ka mid ah raashinka, si duuduub ahna si deg dag ah looga soo rogay Markabka oo taagnaa dekadda Berbera.
Raashinkan wasakhaysan oo ah mid khatar ku ah nolosha dadka reer Somaliland, ayaa sababi kara dhibbaato caafimaad oo la so derista bulshada Somaliland, waxaana aan illaa hada la garanayn sababta ay xukuumadda talada haysaa raashinkan ugu soo daabushay dhanka Somaliland maadaama oo hore ay dawlada Yeman u diiday in la siiyo dadkeeda barakacayaasha ah
Gebogebadii shacabka reer Berbera ayaa uga digay bulshaweynta reer Somaliland isticmaalka raashinkaa wasakahysan, waxanay ugu baaqaan inay ka foojinadaan.
.

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here