Berbera: Magaalo Ka Qatan Dakhliga Ay Soo Saarto Iyo Nolasha Bulshada Oo Noqotay Laba Dabaqadood.

0
18

Burco (Saxilnews) Waa xagaa kulul  oo derajada xaraaradu gaadho saacadaha duhurkii   inta u dhaxaysa  40 digrii illaa 45 degrii.

Magaalada Berbera iyo Magaaalooyinka dhaca Xeebta Bada Cas oo dhan waxaa xiligan ka dhacaya dabaysha xagaaga oo aad ukulul, waxaana lagu guda jiraa bishii ramadaan aakhirkeedii.

bulshada wixii tamari u saaamaxdaa way ka xagaa baxaan waxaanay qoysas kooda geeyaan dhulka qaboow ee Hargaysa , Burco , Degmooyinka Sheek Iyo Dacarbudhuq Illaa Boorama.

waxaase jira dad badan oo aan awood ulahayn in aay ka cararaan xagaaga kulul waxaanay dantu ku qasabtaa in aay la noolaadaan kulaylkaa ba’an, iyagoo waliba xaga nolasha caadiga ahna aad uga hooseeya heerka caadiga ah ee nolasha ee qof ama qoys ku noolaan karo.

sida xaqiiqdu tahayna xiligan waxaa jira guud ahaanba Somaliland sixir barar kacsan oo nolashii sii qaaliyeeyay, khaasatan dadkii danyarta ahaa  ayuu siwayn usaameeyay , waayo iyaga masoo gasho lacagta adag ee loo yaqaan doolarka.

nolasha ijtimaaciga ah ee dadka reer Somaliland ayaa kusii  siqaysa labo dabaqadood uun mid isbixisa oo noqonaysa dabaqada sare iyo mid aan isbixin oo ah dabaqada hoose, waxaana meesha kasii baxaysa dabaqadii dhexe ee bulshadu u badnayd.

magaalada Berberana dadku wuxuu ukala baxay uun labadaa dabaqdood oo ah ta sare iyo ta hoose, iyadoo sidaynu la socono bulshada Berbera inta badani aay yihiin shaqaale hoosaad iyo muruqmaal xamaasha ayaa waxaa ugu sii biiray wacyiga sicir bararka iyo maceeshada oo kusii qaaliyoowday.

 

 

runtii waa tiro yar inta jaaniska u heshay in aay helaan gabood  qaboow ama qalabka  qaboojiya guryaha ee ku nool AC to AC, macnuhu waxa weeye gurigii oo qabaw, xafiiskii oo qaboow iyo gaadhigiisii oo qaboow, waana inta masuuliyiinta sare ee dawlada u shaqeeya iyo nambar yar oo ganacsato ah.

nasiib daro maanta Berbera waxaad arki karaysaa xaafado kamida oo habeenkii faynuus u baxayo iska daa nolol kaloo , iftiinka laydhka iyo marawaxad ma hadal hayaan , waana duruufaha adag ee ku xeeran qaybo badan oo kamida bulshada reer erbera.

 

waxaad in badan maqashaan berberi waa hooyadii dhaqaalaha Somaliland, waa halka aay kasoo baxdo dakhliga ugu badan ee dawladu ku shaqayso,maxaase kaga soo noqda.

baryahan danbe waaxaa dhegaha bulshada reer Somaliland  ka buuxsamay Berbera  waa la maal gashaday oo dhaqaalaa ku furan, oo horumar ayaa ka socda, runtii illaa iminka wax   muuqda oo la odhan karo way dhaqaaqeen oo bulshada kasoo gaadhay ma jiraan.

kaabayaasha dhaqaalaha wax lagusoo kordhiyay ma jiraan, cafimaadka , biyaha, laydhka, wadooyinka , marka arinku wuxuu u muuqdaa rajo la qabo mustaqbalka.

 

Shirkada Carbeed Ee Dp World, kaliya waxay la wareegtay maamulka dekada berbera , wax qalaba oo aay kusoo kordhisay ma jiraan, kaliya waxaa la arkay iyadoo waxoogaa raashina kaga qayb qaadnayasa dadkii abaartu saamaysay, waxaa kaliya ee aay soo daabcdaan rasiidhada iyo dhukmatariayada ay ku shaqeeyaan, lacagtana ku uruursadaan, waxaana la xaqiijiayay sicir bararka in aay ka qaataan qaybta ugu wayn, waayo lacagta kaashka ah ee ay qabtaan maalin walba suuqa lasoo galiyaa oo doolar ayaay ka dhigtaan .

 

la soco qaybaha danbe warbixintan iyo culays siyaasadeed oo ku dhacay sanadihii u danbeeyay berbera iyo waxyaabihii sababay.

Xigasho:-Hangoolnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here