Benjamin Netanyahu oo weerar dhanka afka ah ku qaaday Iiraan

0
25
Mr Netanyahu oo soo bandhigaya haraadiga diyaarad Drones ah oo ay Iiraan leedhay ayna soo rideen militariga Israa'iilLahaanshaha sawirkaREUTERS

Rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa weerar kulul oo dhanka afka ah ku qaaday Iiraan.

Netanyahu ayaa Iiraan ku tilmaamay in aysan ahayn oo kali ah halista ugu wayn ee israa’iil balse ay tahay mid khatar ku ah guud ahaan caalamka.

Rai’sul wasaaraha Israa’iil oo khudbad ka jeedinayay shirka ammaanka ee Munich, ayaa ku eedeeyay Iiraan in ay doonayso in ay maamusho bariga dhexe iyada oo u sii maraysa argagixisada.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil aysan aqbali doonin in Iiraan ay qoorta u galiso argagixiso.

Mr Netanyahu ayaa waxa uu soo bandhigay qayb ka mid ah haraadiga diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay todobaadkii aanu soo dhaafnay ay Israa’iil soo riday, islamarkana ay sheegeen in ay Iiraan lahayd.

Waxa uu xusay in Iiraan ay dafirayso in diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn ay u soo dirtay dhulka Israa’iil toddobaadkii aanu soo dhaafnay .

  1. Israa’iil oo “qaabileysa agoonta Suuriya”
  2. Faransiiska oo martigalinaya shirweyne looga hadlayo Bariga Dhexe
  3. Qarmada Midoobay oo walaac ka muujisay xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Suuriya

Rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in aysan Israa’iil ogolaan doonin in Iiraan ay saldhigyo halis ku ah dalkiisa ay ka samaysato gudaha Suuriya.

Soo ridida diyaaradda ayaa ahayd isku dhicii ugu horeeyay ee dhex mara militariga Israa’iil iyo Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa lagu wadaa in maanta galinka dambe uu khudbad ka jeediyo shirka Munich ee looga hadlayo arrimaha ammaanka caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here