Home Warka Bayruut: Sawirro muujinaya magaalada qaraxii ka hor iyo ka dib

Bayruut: Sawirro muujinaya magaalada qaraxii ka hor iyo ka dib

0
22

Kaydka raashinka ee Bayruut oo ahayd goobta qaraxu ka dhacay.

Ugu yraan 137 qof ayaa ku dhintay, ku dhawaad 5,000 oo kalena way ku dhaawacmeen. Muuqallo dayaxgacmeed sawiray ayaa muujinaya baaxadda khasaaraha gaadhay magaaladaas.

5 August 2020

Satellite image of Beirut port area on 5 August 2020 after explosion

9 June 2020

Satellite image of Beirut port area on 9 June 2020

Markab ka rakaabka ee la yidhaa Orient Queen ayaa ku xidhnaa dekadda meel dhawr boqol oo mitir u jirtay bakhaarka qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa gabigiisii ba qarqiyey. Shaqaalihii saarnaa midkood ayaana ku dhintay mid kalena ilaa haatan waa la la’ayahay raq iyo ruux. Goobta markabku ku xidhnaa ayaa gabigeediiba qaraxu baabiiyey.

.
Qoraalka sawirka,.

Transparent line

Bakhaarada raashinka – oo ahaa dhimaha cad ee dekadda ku ag yaalla- ayaa khasaaraha ugu badani gaadhay.

Genevieve Langdon oo ah Borofasoor ka tirsan Jaamacadda Sheffield, ayaa tidhi “hadii aanay bakhaaradaas halkaa ku oolli lahayn khasaaraha gaadhay inta ka dambaysa oo dhami inta aan imika aragno wuu ka xumaan lahaa”.

.
Qoraalka sawirka,.

Transparent line

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in qiyaastii 300,000 oo qof qaraxaasi guryahoodii baabiiyey, isla markaana laga qabsi qabo in cunno iyo dawo yaraani soo fool leedahay.

Madaxa hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, Mego Terzian, ayaa sheegay in bakhaaradii dawooyinka iyo tallaaka ku jireen ee dekadda ku yaalay khasaare gaadhay. Sidoo kale waxa iyadna gabigeeduba duntay xarunta dalka ugu weyn ee lagu sifeeyo kelyaha oo ku taalay badhtama Bayruut.

Waxa uu khasaaraha qaraxaa ka dhashay kala mid dhigay burburkii dalka gaadhay intii u dhaxaysay 1975-90 ee dagaalka sokeeye socday.

“Dhibaatooyin ba’an oo sidan oo kale ah ayaa dalka soo maray intii uu socday dagaalkii Lubnaan” ayuu yidhi isaga oo u waramayey wakaaladda wararka ee AFP

5 August 2020

Warehouses at Beirut port after blast, 5 August

November 2018

Warehouses at Beirut port, 2018

Ganacsiga Lubnaan ee badda mara ayaa haatan loo weecin doonaa dhanka magaalada labaad ee dalka ugu weyn ee Tripoli, halkaas oo xamuulka gargaarka caafimaad, cuntada, shidaalka iyo badeecadaha daruuriga ah. Qatar, Kuwait iyo Urdun ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay adeeg caafimaad oo ah isbitaallo goobeed u dirayaan dalkaas.

.
Qoraalka sawirka,.

Transparent line

Badhtamaha Beyruut oo ay ku taallay goob gacansi oo ay ku yaallaan tukaamo iyo makhaayado oo dhanka galbeed ka xigtay dekadda ayaa iyadna khsaare gaadhay.

Muraayadaha dhismayaasha ayaa gariirkii qaraxu burburiyey oo daatay, waxaanu badhasaabka Beyruut, Marwaan Cabbuud, sheegay in dib u dhiska dhismeyaasha dawladda iyo goobaha taariikhiga ahi ay ku bixi doonaan balaayiin doolar.

.
Qoraalka sawirka,.

line
line

Masaajidka Maxamed Al-Amiin, oo dadkani maalintii Ciidda dhawr maalmood uun ka hor qaraxii, ayaa haatanna waxay majaasidka ka nadiifinaya burburkii gaadhay.

.
Qoraalka sawirka,.

Transparent line

Nadiifintu waxa kale oo ay ka socotaa kaniisadda Saint George ee Masiixiyiinta Maaruuniyiinta.

.
.

Transparent line

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here