Bayern Munich Oo War Rasmi Ah Ka Soo Saartay Mustaqbalka Xiddiga Ku Sii Jeeda Liverpool Ee Thiago Alcantara

0
30

Heshiiska ay Liverpool ku dooneyso Thiago Alcantara ayaa gabagabo ku dhawaanaya iyadoo madaxa maamulka Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge uu shaaca ka qaaday in xiddiga khadka dhexe lagu iibin karo qiimo cadaalad ah.

Reds ayaa muddo dheer dooneysay xiddiga reer Spain Thiago oo lagu qiimeeyo 31 milyan ginni, waxayna doonayaan inay la soo wareegaan 29 jirkaan xagaagan.

 

Thiago ayaa qandaraaskisia Bayern Munich uu dhacayaa sannadka danbe iyadoo Rummenigge uu xaqiijiyay bishii la soo dhaafay in ciyaaryahanka uu diiday inuu kordhiyo qandaraaskiisa Allianz Arena.

Xiddigii hore ee Barcelona ayaa doonaya tartan cusub ka dib markii uu ku guuleystay horyaalka Bundesliga todobadii xilli ciyaareed ee uu joogay Bavaria.

Inkastoo weli aysan Liverpool dalab rasmi ah ka gudbinin Thiago hadana Rummenigge ayaa qirtay inay diyaar u yihiin inay ku fasaxaan qiimaha saxda ah.

“Arinta Thiago, waa mid la iska ogyahay inuu inoo sheegay inuu doonayo inuu sameeyo wax cusub” ayuu madaxa Bayern Munich u sheegay jariirada Jarmalka ee Bild.

“Haddii ay koox inoo soo dhawaayo oo ay diyaar u yihiin inay bixiyaan qiimo cadaala dah, waan la shaqeyn doonaa”

Thiago ayaa 37 kulan u saftay Bayern Munich xilli ciyaareedkan, isagoo saftay kulankii ugu danbeeyay ee ay 4-1 kaga badiyeen Chelsea ee ay ugu soo gudbeen wareega sideed dhamaadka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here