Basaska Dhaadheer Ee East And West Ee Ukala Baxa Gobolada Somaliland Ayaa Keenay Basbas Caalamiya Oo Qaadaya Dad Tiro Badan

0
18

Berbera (Saxil News.com)-Waxa ay ahayd abaaro 9:00 Am Ee shalay wakhti aan ka baqoolay magaalada hargaysa aniga Ku sii jeeday dhinaca magaalada Berbera, oo aan Ku safraayey basaska waaweyan Ee shirikada la yidhaa Bari iyo Galbeed.11401066_900814946623844_2685338739198293361_n

Socdaalkaasi waxa uu ahaa socdaal xiiso gaar ah ii sameeyay, waayo waxa aan la safraayey 50 qof oo aanu gaadhiga wada saarnayn.

Dadka aan la safraayey oo isugu jiray bulshada qaybaheeda Kala duwan, ayaa waxa ay ahaayeen qaar ay dhexmarayeen sheekooyin aad ii xiiso galiyey oo isugu jiray taariikho hore iyo marxaladaha siyaasadeed Ee wadanku Ku jiro haw badnaadaan arinta Golaha guurtida iyo Xisbiyada Qaranka

Gaadhiga aanu Ku safraynay oo ay kuraastiisu waasac ahayad ayaa suuro galiyey in aanu qofna qof dhibsan oo si wanaagsan loo haasaawo, waxa aanu sii soconay ilaa Barbera qadar laba saac ah marka laga jaro sodan daqiiqo oo aanu xamaas ka sii qadaynay markaanu ka dhaqaaqnay ayaa uu wadaha gaadhigu noo shiday qaboojiyaha gaadhiga oo aanu kuligayo ka wada mabsuudnay taasina aad ayey u sii xoojisay in aanu sheekadayadii halkaa ka sii wadano.

Waxaa naga hor dhaqaaqay laba bas oo min shan iyo labaatan qof sida iyada oo ay naga soo daba dhaqaaqeen hal bas oo sida 50 qof oo nooca kan aanu saaranahay ah iyo mid ka yar oo shan iyo labaatanle ah gabi ahaan gaadidkan ayaa isu maraayey Berbera iyo Burco, halka intaa in le’eg oo kale oo iyana burco ka soo baxay oo iska shirikadan ahi ay naga hor yimaaden.

 

11401066_900814946623844_2685338739198293361_n

Isu gooshka gaadiidkan aan warkooda hayo ayaa Ku ekaa galinkii hore oo Kali ah halka galinkii danbe aanan war u hayan socdaalkooda, waxa layga qaaday ilaa Berbera 30,000 oo SL Shilin ah oo u dhiganta 4$ Doller waa qiimo aad ii cajab galiyey.11391547_900814403290565_4189173969941008328_n 10153129_900814509957221_8507052192180619861_n

Tirada isaga gooshaysa Gobolada wadanka ayaa marba marka ka danbaysa kor u sii kacaysa iyada oo hada la galay wakhtigii xagaaga ayey arintani Ku tusaysaa halka ay ka gashay shirikadani adeega isku socodka dadweynaha, walaw uu gaadhigan weyn Ee Baska ahi yahay model 1991 Nissan UD hadana waa mid uu Ku cajab galinaayo gudihiisa iyo socodkiisu

 

Saxil News.com

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here