Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa jawaab ka bixisay go’aankii lagu kanaslay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, waxaanay sheegtay in cid kastaaba ogtahay in Lionel Messi uu yahay laacibka ugu wanaagsan dunida.
Wargeyska France Football ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Isniintii in gebi ahaanba sannadkan la joojiyey bixinta abaal-marinta Ballon d’Or, taas oo markii ugu horreysay tan iyo 1956kii aan cidna la guddoonsiin doonin.
Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo wacdaro ka dhigay Bundesliga iyo Champions League xili ciyaareedkan ayaa tartan adag ugu jiray in doorkan uu ku guuleysto abaal-marinta, laakiin Barcelona ayaa rumaysan in aanu jirin ciyaartoy la mid ah Lionel Messi oo kaga mudnaa in Ballon d’Or uu xili ciyaareedkan qaato.
Laacibka reer Argentine oo difaacanayay abaal-marinta ayaan sannadkan wax koob ah ku guuleysan, waxaana horyaalka ka qaadday Real Madrid, Copa del Rey oo Athletic Bilbao ka cidhib-tirtay iyo Spanish Super Cup oo bishii December ay Los Blancos kaga guuleysatay waddanka Sucuudiga oo martigeliyey.
Fursadda kaliya ee uu haysto Lionel Messi ee uu koob ugu guuleysan karayo ayaa ah tartanka Champions League oo ah midka kaliya ee ay kooxdiisu kusii jirto, laakiin Lewandowski oo horyaalka Bundesliga iyo German Cup gacanta kusoo dhigay, ayay kooxdiisu rajo weyn ka qabtaa hanashada Champions League.