Barcelona Oo Go’aan Rasmi Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka Philippe Coutinho – Miyuu Tegayaa Horyaalka Premier League?

0
29

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa go’aan rasmi ah ka gaadhay mustaqbalka xiddigeeda khadka dhexe ee Philippe Coutinho oo kasoo laabtay amaah uu xili ciyaareedkii hore ugu maqnaa Bayern Munich oo uu kula soo guuleystay Champions League.

Coutinho oo Barcelona uga soo wareegay Liverpool sannadkii 2018 ayaa ku dhibaatooday Camp Nou ka hor intii aan amaahda lagu bixin, waxaana ku adkaatay inuu helo boos joogto ah iyo qaab ciyaareedka naadiga oo ay isla jaan-qaadi kari waayeen, waxaana la filayay in marka uu kusoo noqdo Camp Nou uu usii dhaafi doono horyaalka Premier League.

Laakiin tababaraha cusub ee Ronald Koeman ayaa kulan la qaatay laacibkan oo kasoo horreeyey waqtigii loo qorsheeyey inuu kooxda yimaaddo oo ku beegnaa Isniinta berri, waxaana Khamiistii uu iska soo xaadiriyey garoonka ka hor intii aanu Jimcihii tababarka la samayn ciyaartoyda kale.

Kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Manchester United ayaa ku doonayay inay amaah ku qaataan, waxaana hadal haynta ugu badan ay la xidhiidhinaysay Gunners oo ay joogaan dersin ciyaartooyo reer Brazil ah oo ka caawin lahaa inuu qaab ciyaareedkiisii hore dib usoo ceshado.

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa go’aan buuxa ka gaadhay mustaqbalka xiddigeedan, waxaanay meesha ka saartay suurtogalnimada ah inuu amaah ku tegi doono xagaagan.

Blaugrana waxay intaa ku dartay in sifada kaliya ee uu ku tegi karayo Coutinho ay tahay haddii dalab rasmi ah oo lacag badan leh laga soo gudbiyo, markaas oo ay diyaar u yihiin inay iibiyaan.

Dhibaatada dhaqaale ee uu abuuray Fayraska Korona ayaa ku keentay Barcelona inay xidho albaabka laga soo galo naadiga maadaama aanay haysanin lacago badan oo ay kusoo iibsadaan ciyaartooyo qaali ah, inkasta oo wali lala xidhiidhinayo Lautaro Martinez oo Inter Milan ah, Memphis Depay oo Lyon afka hore uga ciyaara  iyo kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Gini Wijnaldum oo Liverpool u ciyaara.

Labada ciyaartoy ee dambe ee reer Netherlands oo qiimahoodu aanu aad u badnayn ayaa ah kuwa laga yaabo inay noqdaan xiddigaha kaliya ee laga furayo albaabka, halka bixitaankana ay ku qoran yihiin Ivan Rakitic oo horeba u tegay, Suarez iyo Vidal oo Talyaaniga kusii jeeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here