BARACK OBAMA OO SI TOOS UGA HOR-IMAANAYA DONALD TRUMP HADDII UU BAABI’IYO SHARCIGA DACA

0
21

Washington:-(saxilnews) Sida ay qorayaan qaar kamid ah warbaahinta dalka Maraykanka Barack Obama Madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa ku fekeraya olole ka dhan ah Donald Trump ninka isaga xilka kala wareegay haddii uu ku dhiirado in uu baabi’iyo sharciga loo yaqaano Deferred Action for Childhood Arrivals (DACA), ee la siiyo dadka sida sharci darada ah Maraykanka ku yimaada iyaga oo caruur ah kuwaas oo loo yaqaan Dreamers.

Sida ay qortey Politico Obama ayaa dagaalkiisa ka bilaabi doona baraha bulshada isku xirta oo uu ke lee yahay taageerayaal 100 milyan ku dhaw, waxaana lagu wadaa in uu isla maanta bayaan soo saaro ku aadan qorshaha Trump ee DACA.

Khudbad uu jeediyey Obama markii uu xilka ka sii degaayey ayuu sheegay in haddii mustaqbalka DACA khatar la geliyo oo ka hor imaanayo. Inta badan Madaxweynayaasha Maraykanka ee xilka ka dega ayaan ka hadlin tallaabooyinka ay qaadaan kuwa xilka kala wareega.

Donald Trump ayaa tirtire u qaatey dhamaan guulihii siyaasadeed ee uu gaarey Madaxweynihii ka horeeyey barack Obama, waxayna ahayd ballan qaad uu u sameeyey taagerayaashiisa doortey. Waxaa lagu wadaa in uu maanta ka ahdlo qorshihiisa sharciga DACA ee Madaxweynihii ka horeeyey sameeyey.

Maantey ayaa lagu wadaa in Donald Trump ku dhawaaqi joojinta sharciga DACA, oo fursad siinaya dhalinyarada soo galootiga ah ee yimaada iyaga oo caruur ah, waxay ku helaan sharci ay ku shaqeysan karaan iyo oggolaanshaha wadida gawaarida, waxaa sharcigan ka faa’ideystey dad ku dhaw hal milyan oo qof.

Haqabtirenews/Burco/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here