Badhasaabka gobolka togdheer oo ah mas’uulka kowaad ee gobolkan u sareeyo kuna yimid digreeto madaxwayne shaqadisana ay hoos tagto wasaarada arimaha gudaha ayaad modaa inuusan fahansanayn diwaangalinta madaniga ee kasocota gobolka togdheer qaabkii loo dardar galin lahaa.
Inbadan oo kamid ah tagerayaasha madaxwaynaha mustaqbalka waxay is waydinayaan, Madaxwaynaha mustaqbalka dhaliishan xoogan ee uu soo jeediyay badhasaabka maxay tahay.
Hadaan idin balbaadhiyo dhaliisha aan usoo jeediyay waxay tahay, waxaa loogu talagalay diiwangalinta madaniga inay ka socoto mudo 3bilood gobolka togdheer , iyadoo qorshuhu sidaa ahaa waxaa in muda ah aan furmin xafiisyo badan oo xaga fududaynta xafiisyada ay ku timid habac sanaan xoogan hadaan is dul taago xafiisyada qaar waxaa la furay iyadoo meelaha qaar ay kasocoto dhowr iyo toban cisho.
Iyadoo ay jirto qorsha xumada iyo habacsanaantaa waxaa hadana soo kordhay shaqaalihii oo ka cabanaya xaga lacagtii lagula heshiiyay oo ay iishegeen qaar kamid ah waa madaxwaynaha mustaqbalka ahe inay qaateen bishii hore lacag dhan 200& halka qorshuhu iyo heshiisku ahaa inay qataan 400& bishii loona sheegay markay qadanayeen in inta kadhiman 200& lasiin doono bisha soo socota oo ah bishan aynu ku jirno, hadaba waxaa kaloo soo kordhay in loo shegay shaqalihii usoo masaarif doontay shaqada diwangalinta in bishan aynu ku jirno ay lacagtodii dib uga dhacday qadana donaan bishan markay dhamaato, loona hogaansanaado badhasaabka kii u hogaansanaan wayana xarig mudan doono ayna ka muujiyeen walaac waxii lagula heshiiyay iyo waxa ay qadan donaan haduu ilahay garsiyo, ka madaxwayne mustaqbal ahaana ay qaar iishegeen inay ka baqsanyihin inay ku noqoto xisbigii udub ee talada dalka laga helay dadkii sanaduqda wakiilka uga ahaa markay shaqadoodii dhamaysteen loo wayay kharashkii ay ku shaqeyeen.
Su ‘aal ayaa tagan oo ah haday jirto dhalishaa uu shegay madaxwayna mustaqbalka ee uu ka danqaday, Dadka aqoonyahanka hadaad tihin maxaa idinka baxay?
Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan usoo jeedinayaa badhasaabka gobolka togdheer inuu dardar galiyo shaqada diwaangalinta kana daayo shaqaalaha hanjabaada kuna maamulo systemka wax lagu manage gareeyo isagoo maraya human resource management
Hadaan shaqaalaha lagu dhiiran galin shaqada ay bulshada u hayaan inta waqtiga ka hadhsan waxaa dhici doonta in xafisyada qaar ay waqti yada qaar shaqayn wayaan,
Badhasaabka gobolka todheer waxaan leeyahay aqbal dhaliisha jirta