Badhasaabka Gobolka Togdheer Ayaa xaalada hor leh ka abuuray deeganka Aroori Gaar ahaana Kaamka Ilma Shiikh

0
30

Badhasaabka Gobolka Togdheer Ayaa xaalada hor leh ka abuuray deeganka Aroori Gaar ahaana Kaamka Ilma Shiikh islamarkaasina cadaystay qabyalad uu doonaya inuu Deegankooda cadayure uu hoosgeeye guryaha Kaamka Ilma Shiikh

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa cadaystay qabyalad uu doonayo si toos ah uu ula safto walalkii oo isna ah Haydhka tuulada Cadowyurure oo doonayo in uu xukumo deganka Ilma Shiikh badhasabku isagoo fulinaya dacdada walalkii ayuu warbixin been iyo xalad abuur ah dawlada dawlada u gudbiyey gar ahaana wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Deeganka taasi ka been abuurtay calaamado hore uyaalay Kaamka Ilma Shiikh oo la dhigay 1986kii taasi cid waliba taqaano isla markaana ay ilaalin jireen dhamaan dawladihii somaray Somaliya Iyo Somaliland waxaana ilaa hada ku yaala calaamadihii uu Uu bile Rafle Guuleed uu dhigay sanadii sideetamaadkii wakhtigii la samaynayey Seeraha Aroori wakhtigii dawladii Somaliya.

Waxa aan xukumada soomalilamd gaar ahaana madax waynaha wasiirka arrimaha guadaha wasiirka Wasaarada deeganka usoo jeedinayanaa inaan ku go’aanqadan warka gudoomiyaha qayral masuulka ee ku caan baxay isku dir iyo qabiil la safashada balse ay si madax banaan arintaasi usoo baadhan faraha usoo geliso arinta ka dhaxaysa ilma Cadowyuurure Iyo dadka ku dhaqan deegankaasi Ilma Shiikh oo khilaaf xoogan ka taagnaa maalmihii ugu danbeeyey .

Kadib markii shaadh dawladeed ugu hanjabay dadka deegankaasi inuu baabin doono calaamadaha deegankaasi oo uu doonayo inuu dejiyo dad uu kasoo raray iyoobiya iyo Hawd sare .

Gudoomiyaha Gobolka Togdherr ayaa sameeyey tan iyo wakhtigii gobolka loo soo magacaanay ku dhawaad lix tuulo ugu magac daray qaxooti taasi oo horseeday muran iyo khilaaf deegan kadib markii la ootay dhulkii xooluhu daaqayey waxaa kamid ah deeganada uu sameeyey Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Cadowyurura Deeganka Balliwayd oo dejiyey 1000 qoys oo jifadiisa , Ismaaciil Xuseen , Guryosamo , Awshugri Vilage iyo kuwo kale oo laga binaynayo deeganka udhxeeya Iskudhoon Iyo Cadowyurura .

Waxaa kale oo jirta xaalado cusub oo ka taagan deeganka Ismaaciil xuseen oo isku hor fadhiyaan labo ciidan beeleed oo kasoo jeeda dadka dega deegankaasi kuwaasi oo qaarkood daba ka riixayo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer kadib markii ku tageeray Cagaf Lagu Moosayo Deeganka Ismaaciil Xuseen iyo degsiimadiisa cusub ee ay wadaan maamulka Gobolka Iyo Qaar kamid ah dadka deegaankaasi taasi oo si xoog leh uga cadhaysiisay dadka xoolo dhaqtada ah dhulkaasi degan.

Arintan ayaa cirka isku shareertay maalmihii udanbeyey magaalada burcona waxaa manta laga dareemayaa diyaargarow coladeed iyo hub urursi uu aabo u yahay hurinteeda Gudoomiyaha Gobolka Togdheer .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here