BADHASAABKA CUSUB EE LOO SOO MAGACAABAY GOBOLKA SANAAG WAA NIN NOOCEE AH MUXUUSE KA BEDELIKARAA GOBOLKA SANAAG KIBRAD KU FILANSE MA LEEYAHAY…??? FAALO WARIYE ELSAR

0
29

Hadaba Madaxweynaha Iyo Xukumadiisu Hadii Ay Ka Fekerayaan Horumarka Iyo Degananta Gobolka Waa In Ay Dib Ugu Noqdaan Masuulkan Cusub EE Ay Reerkooda Ka Soo Dhex Saareen.

Ceerigaabo, Madaxweynaha S/land Ayaa Habeenkii Xalay Isku Shaandhayn IYo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Qaar Ka Mida Gudoomiyayaasha Gobolada somaliland Iyo Ku Xigeenadooda .

Hadaba Waamaxay Ujeedada Laga Leeyahay Isku Shaandhayntay Ku Kooban Gobolada Qaar Kood Maxayse Kordhin Kartaa Maxayse Dhimi Kartaa Madaama Ay Xukumada Haatan Talada Haysaa Wakhtigeedi Gababsi Ku Dhowyahay  .

Ma Waxa La Odhan Karaa Xukumada

Uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaayo Gobolada Qaar Ayay Culayska Saaraysaa Oo Isku Bedelaadan Ay Ku Samaysay Gudoomiyayaasha Gobolada uga Dhowaanay Bal In Uu In Ay Hesho Awood Xoogan OO Siyaasadeed Oo Ay Ku Yeelato Gobolada  Gaar Ahaan Sanaag Iyo Sool Madaama Ay Laba Masuul OO Cusub U Soo Magacawday .

Magaala Madaxda Gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo Ayaa Saaka Dadku Waxay Ku Waa Bariisteen Isbedlka Lagu Sameeyay Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Sanaag Iyadoo Gudoomiye Cusubna <Madaxweyne Siilaanyo U Soo Magacaabay Kaas Oo La Filayo Maalmaha Soo Socda In Uu Xilka Si Toosa Ula Wareego .

Goobaha Laysugu Yimaado Ee Bulshadu   Ku Kulanto Ee Magaalada Ceerigaabo Ayaa Waxa Ay Ahayd Hadal Haynta Ugu Wayni Badhasaabka Cusub EE Loo Soo Magacaabay Gobolka Iyo Guud Ahaanba Isku Shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo Xalay Ku Selelay.

Waxana Dadka Intooda Badani Aanay Ku Faraxsanayn Gudoomiyaha Cusub Ee Loo Soo Magacaabay Gobolka Sanaag Madaama Aanu Khibrad Dheer U Lahayn Arimhaasi Isaga Oo Mar Hore Ahaanjiray Maayir Ku Xigeen  .

Sidoo Kale Gudoomiyahan Cusub Ee Loo Magacaabay Gobolka Sanaag  Mr Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X) Waxa Uu U Tartamay Doorshooyinkii Ugu Danbeeyay In Uu Ka Mid Noqdo Xildhibaanada Golaha Degaanka Ee Degmada Burco Hase Yeweshe Waxa Cod Aha Lama Soo Xaadirin Isagoo Helay Codad Dhan 78 Cod Oo Keliya Marka Loo Eego Codadka Xildhibaanku KU Soo Baxayo EE Degmada Burco Waxay ka Noqonaysaa 7% Halkaasina Waxa Ka MUuqata Kalsooni Daro Ay Ka Qaadeen Reer burco OO Uu Mar U Ahaan Jiray Maayir Ku Xigeen Taasina Waxay Cadaynay Khibrad La,aantiisa Iyo Waxqabad la.aan Baahsan Ee Ay Kala Kulantay Bulshadaasi.

Sidoo kale Waxa Jirta In UU Mr Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X) Markuu Uu U Xaadiri Wayay Wax Cod Ah Oo Uu Kaga Mid Noqdo Golaha Degaanka Ee Burco In Uu Xamar U Tahriibo Isla Markaana Uu Muqdisho Ka Tego Isaga Oo Laba Bilood Halkaasi Ku Sugnaa Isla Markaana Isku Dayay In UU Ka Qayb Qaato Siyaasada Qalafsan Ee Xamar Ka Jirta Laakiin Nasiib Daro Uma Aysan Suurta Gelin Oo Cidiba Way Garanwayday  Taasina Waxay Kaliftay In Aanu Wax Xil Ah Ka Helin Halkaasi.

Mr Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X) Oo Mod Gaaban Ka So Keeya Muqdisho Ayaa Madaxweynuhu Xalay U Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Taasina Waxay Ka Dhigantahay Cadaadiska Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Hayo Gobolka Sanaa Isagoo Hadba Masuul Dhakada Kaga Soo Tuura  .

Gobolka Sanaag OO Ah Gobolka Ugu Wayn Somaliland Marka Loo Qaybiyo Sadex Meelooodoow Meel Ah Ayaa Hadana Xukumadani Aany Dan Sidaasi U Sii Weyn Ka Gelin Waxayna Keliya Oo Gobolka Iyo Dadkiisaba Lagu Mashquuliyay Wadada Sanaag Iyo Togdheer Runtii Waa Horumar Laakiinse Gobolka OO Ah Gobol Balaadhan Oo Doonayay In Meelo Badan Waxa Loga Qabto Isla Markaana Horumarkiisa Ay Xukumdu Ka Shaqayso Ayaa Haatan Waxay U Eegtahay In Ay Ka Shaqaynayso Dib U Dhaciisa Madaama Aay Xukumdu Masuulkan Cusub Ee AY SOo Magacwday Ay Isku Beel Yihiin Beesha Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo Taasina Ay Gobolka Ku Keeni Karto Fadqalo Siyaasadeed Oo Hor Leh .

Hadaba Madaxweynaha Iyo Xukumadiisu Hadii Ay Ka Fekerayaan Horumarka Iyo Degananta Gobolka Waa In Ay Dib Ugu Noqdaan Masuulkan Cusub EE Ay Reerkooda Ka Soo Dhex Saareen Gobolkan Sanaag Waa Gobol Balaadhan Oo Dadbadani Degaan Hadii Masuulkan Ka Socda Xukumuna Yimaado Waxay Beelaha Kale Ee Degan Gobolkani U Arkayaan Culays Iyo Arimo Siyaasadeed Oo Hor Leh Taasina Waxay Hakad Gelinaysaa Horumarkii IYo Degananshihii Gobolka .

……………………………………………………………………………………………………

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here