Baarlamaanka Turkiga Oo Maanta Ka Doodaya In Awoodda Loo Kordhiyo Erdogan + Sababta Awooda Loogu Kordhinaayo Madaxweynaha

0
21

Ankara (Saxilnews):- Baarlamaanka Turkiga ayaa maanta billaabaya dood ku saabsanqorshe lagu doonayo in isbadal lagu sameeyo dastuurka dalkaas si awoodo dheeraad ah loo siiyo madaxwaynaha.

Image may contain: 1 person, suit

Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in awood heer sare ah ay Turkiga la simi doonto dalalka Faransiiska iyo Maraykanka.

 Dadka dhaliilsan waxay sheegayaan in arrintaas ay la siman tahay awood-muquunsi dalka u horseedi doonta kali talisnimo.

 

Madaxwayne Erdogan ayaa haddaba dalka ku maamulaya awoodo dheeri ah oo waafaqsan xukunka dagdaga ah ee la soo rogay bishii todobaad ee sanadkii hore, ka dib afgambigiii dhicisoobay

Xisbiga talada haya ee AK waxay u baahan yihiin taageerada xisbiga mucaaradka ah ee MHP si loo meelmariyo ka hor inta aan afti dadwayne loo qaadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here