Diyaarad ay lahayd Ethiopian Airlines ayaa burburtay wax yar uun kadib markii ay kasoo duushay garoonka caalamiga ah ee magaalada Addis Ababa, waxaana ku dhintay dhammaan 157-dii ruux ee saarnaa.
Qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka ayaa soo saaray amar ay hawada dalalkooda uga mamnuucayaan inay ku duusho diyaaradda ay soo saarto shirkadda Boeing ee nooceedu yahay 737 MAX 8.
Tirada diyaadaha la mamnuucay ayaa waxa ay gaarayaan 350 ilaa 370.
Waa markii labaad oo muddo ka yar 5 bilood uu burbur ku yimaado diyaaradda Boeing 737 Max 8, iyadoo labada jeerba ay dad ku dhinteen.
- Baaritaan ku aadan xasuuqii Rwanda oo la soo gabogabeeyay
- Maxay tahay sababta ay gabdhuhu u dareemaan wehel la’aan?
- Koonfur Afrika: Nin lagu qasbay inuu cuno saxaradiisa
Maxaan ognahay?
Qalabka codka duuba ee ku xirnaa diyaaradda iyo sanduuqeedii madoobaa ayaa la sheegay in subaxnimadii Qamiista ahayd la geeyay dalka Faransiiska si baaritaan loogu sameeyo.
Baarayaasha u dhashay dalka Itoobiya ayaa doorbiday in baaritaanka lagu sameeyo dalka Faransiiska, iyada qalabka yaalla Faransiiska sidoo kale laga heli karo dalalka Nigeria, Dubai, Singapore, Jarmalka iyo UK.
Balse dalka uu ka dhacay shilka ayaa go’aan u leh inay doortaan halka baaritaanka lagu samaynayo.
Siddee lagu helay sanduuqa madow?
Dhibaatada ugu wayn ee la wajaho marka uu shilka hawada ka dhaco ayaa ah siddee lagu heli lahaa sanduuqa madow.
Diyaaradaha casriga ah, sanduuqa madow waxaa lagu dhajiyaa dhinaca dambe ee diyaaradda.
Shirkadan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Africa, waxay kamid tahay diyaaradaha ahmiyada goonida u leh qaarada Africa.
Maaliyad sannadeedkii 2017/2018 waxay sameysay faa’iido dhan of $245m oo doolar u dhiganta (£187m).
Sidoo kale waxay qaaday rakaab gaaraya 10.6 million oo qof.
Shirkadan waxaa la bilaabay sannadkii 1945 waxaana sameeyey boqortooyadii ugu dambeysay Ethiopia ee Haile Selassie, si looga baxo saboolnimada iyo in la sameeyo muuqaal qurxoon.
Duulimaadkii ugu danbeeyey ee u dhaxeeyey magaalooyinka Qaahira iyo Asmara waxay sameysay bishii December ee sannadkii hore.
Hadda sanduuqa madow waa la helay, maxaa xiga?
Marka hore xaalad nooce ah ayey ku suganyihiin?
Sanduuqa madow ayaa waxa lagu kaydiyaa xogta diyaaradda, balse waxaa muran ku jiraa in uu qayb ka burburay iyo in kale.
Lixdii bilood ee la soo dhaafay waa shilki diyaaradeed ee labaad ee ku yimaadda diyaaradda boeing ee uu noocedu yahay 737 Max 8.
Bishii October ee sanadkii horena diyaarad noocan ah oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee “Lion Air” oo burburtay waxaa ku dhintay 189 qof.
Xirriirka dhanka gudaha ah ayaa laga yaaba inuu cilad soo gaaro, taasi oo horseedi karta inay wakhti badan qaadato helidda xogta.
Baaritanka laga waday Itoobiya?.
Baaritanka laga wada dalka Itoobiya ayaa waxa hoggaamin doona baareyaal ka soo jeeda dalka, balse waxaa caawin doona khubaro kale oo ka yimid daafaha caalamka.
Maraykanka ayaa sidoo kale laga yaaba inay soo diraan koox ka socota waaxda qaran ee gaadiidka, maadama diyaaradaha Boeing 737 Max-8 lagu sameeyey gudaha dalkaas.
Waxaa sidoo kale tagay goobta uu shilka ka dhacay baareyaal u dhashay dalka Faransiiska.
Saddex baare oo ka soo jeeda dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale tagay Itoobiya maalintii Tallaadada, si garab u siiyaan khubarada kale, balse waxaa loo samaynayaa qorshe ay dib ugu laabanayan UK.
Maxay baareyaasha rabaan inay ogaadan?
Baareyaasha ku guda jira howshan ayaa ka soo kala jeeda wadamo kala duwan, balse kooxo kala duwan ayaa diiradda saari doono sidii xogta lagu heli lahaa.
Baaritanka laga wado xarunta ayaa ah bilawga mid qaadan doono muddo dheer