Baraawe(Saxilnews) Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Talaadadii xaragga ka jaray garoon diyaaradeed oo laga dhisay magaalada go’doonsan ee Baraawe (200Km Koonfurta Muqdisho), taas oo ay xukuumaddu u arkeysay guul ay soo hooysay.
Hase yeeshee 24 saac kadib markii la shaaciyay qiimaha lacageed ee ku baxay mashruuca oo gaaraya $4.3Milyan, sida ay wadajir u xaqiijiyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Midowga Yurub iyo Somali Stability Fund, ayaa waxaa abuurmay shaki iyo su’aalo badan oo la iska weydiiyay run ahaanshaha arrinkan?
Waxaa maskaxda shacabka isku qaban waayey sawirradii laga soo qaaday garoonka iyo qiimaha lacagta la sheegay inay ku baxday.
Caasimada Online oo jawaabo u raadineysa su’aalaha dahsoon ayaa dabagal ku sameysay qandaraaskan iyo sida loo fuliyay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Midowga Yurub ka codsaday dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelato magaalada Baraawe, November 2017 kadib markii dadka degaanku ay codsadeen in la helo garoon diyaaradeed, maadaama waddada Baraawe – Muqdisho ay u xiran tahay Al-Shabaab.
Caasimadda Online ayaa daalacatay qoraalka ay Midowga Yurub ku oggolaadeen maalgelinta mashruucan oo ay ku kaceysay $4.3 Milyan, balse ay shuruud uga dhigeen in mashruuca la marsiiyo hannaanka ay mashaariicdooda u fuliyaan.
Sidee loo fuliyaa mashaariicdan?
Inta badan mashaariicda ay deeq bixiyeyaashu ka fuliyaan Soomaaliya waxaa la mariyaa hannaan gaar ah oo ujeedadiisu tahay inaan hay’adaha dowladda lagu aaminin fulinta mashaariicda, balse deeq-bixiyuhu oo kharashaadka, fulinta iyo kor-joogteynta uu siiyo NGO-yo maxalli ah, kadibna dowladda ay la wareegto wixii ay codsatay, haddii ay tahay dhisme, qalab IWM.
Masuul ka tirsan Wasaaradda Howlaha Guud ee Federaalka oo codasaday in aan magaciisa la xusin ayaa Caasimada Online u sheegay “Dowladda Federaalku waxay EU ka codsatay dhismaha garoonka diyaaradaha Baraawe kadib, EU waxay lacagta ku baxday ku wareejisay Somali Stability fund SSF oo ah mashruuc ay waddo Adam Smith (Hay’ad Ingiriis ah) oo bixisay qandaraaska, xaqna u lahayd kor-joogteynta iyo kormeerka mashruuca”.
“Mashaariicda nuucaan ah waxaa loo yaqaanaa In-kind Grant oo la macna ah baahidaada ayaad u gudbineysaa deeq-bixiyaha, kadibna waxa laguu qabanayaa wixii aad codsato oo kaliya, adiga oo aan maamulka howsha shaqo ku lahayn” ayuu raaciyay.
Arrinkan ayaa la aaminsan yahay inuu meesha ka saaray kaalinta isla xisaabtanka ay lahayd dowladda Soomaaliya, isla markaana uu fududeeyay in hay’adaha iyo deeq-bixiyeyaasha musuq maasuq ku sameeyaan mashaariic farabadan oo magaca Soomaaliya lagu soo qaado.
Sidee Midowga Yurub ku oggolaaday in garoonka Jaay ah lagu bixiyo $4.3 Milyan?
Caasimadda Online ayaa fahansan in degamada Baraawe oo ciidamada dowladdu Al-Shabaab kala wareegeen 2014 ay go’doonsan tahay ilaa maanta, sidaas darteed ay caqabado badan soo wajaheen mashruucan sida gaarsiinta qalabkii loo isticmaalay dhismaha oo intiisa badan diyaaradaha qumaatiga u kaco lagu geeyay, taas oo la aaminsan yahay in ay qeyb ka ahayd sare u kaca qiimaha dhismaha.
Dhanka kale warar ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in shirkadaha qandaraaska qaatay ay dhowr jeer ka baxeen heshiiska sababo la xiriira handadaad dhanka Al-Sabaab uga imaaneysay, taas oo mar kale caqabad ku noqotay dhismaha.
Ugu dambeyn, inkasta oo caqabado dhowr ah oo is-biirsaday ay horseedeen in garoonka ay ku baxdo lacag ka badan tii ku bixi lahayd, haddana waxaa meesha ka marneyn in nidaamka EU wax ku bixiso ee iska daba wareegga iyo hay’adaha kala duwan ee la marsiiyo mashaariicda ay sababta in lacag badan dhexda laga bixiyo.