Baanka Dhexe oo Dalka ka Mamnuucay Isticmaalka Barnaamij Akhlaaqda Suubban Khilaafsan

0
212

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha Baanka Dhexe Dr. Cabdillahi Daahir ayaa dalka ka mamnuucay in lagu isticmaalo barnaamijka 1XBET, isla markaana shaaca ka qaaday in talaabo sharci laga qaadi doono ciddi fulin weyda.

War saxaafadeed uu Gudoomiye Dr. Cabdillahi ku saxeexan yahay oo shalay Baanka Dhexe soo saaray cinwaana looga dhigay mamnuucida barnaamijka khamaarka 1XBET ayaa lagu sheegay inuu la mid yahay barnaamijkii jiif oo Jaq.

Qoraalka Baanka Dhexe ayaa lagu sheegay in mudooyinkii u dambeeyey uu dalka ka socday barnaamij khamaar lagu ciyaaro oo lacag lagaga uruursanayo dadka.

Daraasad Baanka Dhexe ka diyaarisay barnaamijka 1XBET ayaa lagu caddeeyey inuu yahay barnaamij khamaar la nooc ah “Jiif oo Jaq”, isla markaana aanay jirin shirkado sharci ah oo la maalgashanayo.

Sidoo kale qoraalka Baanka Dhexe ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Diinta & Awqaafta ka soo saartay fatwo 11 February 2023, nuxurkeedu ahaa in 1XBET yahay barnaamij khamaar la nooc ah jiif oo jaq.

Gebagebadii, qoraalkan ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 15 February 2023 maanta (shalay) barnaamijka 1XBET mamnuuc ka yahay in dalka gudahiisa  lagu isticmaalo, laguna wargeliyey bulshada in talaabo sharci laga qaadi doono ciddii lagu arko adeegsigiisa.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here