Baabuurta u gaarka ah ilaalada madaxweynaha maraykanka

0
37
.

Waxyaabaha ay dadku sida aadka ah u xiiseeyaan waxaa ka mid ah arrimaha ku xeeran ilaalada madaxda dunida.

Dalka Mareykanka wuxuu ka mid ah dalalka caalamka ee kharashka ugu badan geliyo ilaalada iyo amniga madaxweynahooda.

Madaxweynaha marka uu meel u socda kolonyada baabuurta, diyaaradaha iyo ciidamada ilaalada ee hareer socda ayey dad badan aad ula yaabaan.

Waxyaabaha isha qabanaya ee ay dadku sida gaarka ah dhaqdhaqaaqa madaxweynaha had iyo jeer la socdo waxaa ka mid ah tirada baabuurta la socota.

Qaybta hore ee qormadan ee aan kaga hadleyno ilaalada madaxweynaha waxaan ku eegeynaa, sababta gaadiidka kolonyada looga baahday iyo doorka ay gaadiidkaasi ku leeyihiin ilaalinta madaxweynaha.

Safarrada madaxweyne kasta oo Maraykan ah uu galo wuxuu noqdaa arrin weyn oo leh qorshayaal amni oo muhiim ah.

Tusaale ahaan, Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump 2019-kii marki uu booqanayey dalka Ingiriiska, waxaa safarka ku wehliyey 6,300 oo ilaalada amnigiisa ah, ilaalada amniga madaxweynaha ee booqashada seddexda maalmood qaadatay waaxda bileyska oo keli ah waxay ku bixisay £3.4 oo gini.

Booqasha kale oo 4 malmood qaadatay oo 2018-ki uu madaxweynuhu galayna sida oo kale waxaa ku baxday £14.2 malyan oo Gini.

Marka laga reebo saraakiisha ammaanka, waxaa la daabulaa qalab, gaadiid, hub iyo diyaarado si ay booqashada madaxweynaha ay qayb uga noqdaan.

Howlgalka noocaasi oo amniga madaxweynaha Mareykanka lagu sugayana waxay u baahan tahay miisaniyad aad u badan.

Haddaba aynu eegno gaadiidka cajiibka ah ee marwalba ka soo muuqda dhaqdhaqaaq kasta uu madaxweynaha Mareykanka uu ku sameeyo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba.

Marka uu ka maqan yahay ciidankiisa gaarka ah ee loo yaqaan Air Force One oo ah diyaarad militari, madaxweynaha Mareykanka wuxuu adeegsadaa gaadiidka gaarka ah ee loo yaqaan ‘The Beast’ oo dad badan ay maqleen ama xitaa ku arkeen sawirro ama maqaallo ka hadlaya.

Safarka Madaxweynaha

Kolonyada madaxweynaha oo ka kooban laba baabuur oo nooca limousine-ka ah oo la mid ah kuwa amniga iyo isgaarsiinta, ayaa waxaa madaxweynaha inta uu safarka gelin sii daabulayo diyaarado ay leeyihiin ciidamada cirka Mareykanka ee ku sugan saldhig dalkaasi ka baxsan ama ka baxsan Aqalka Cad.

Madaxweynuhu wuxuu safarkiisa dhulka uu u adeegsadaa ‘Cadillac One’ – o ah limousine dib loo habeeyey oo loo yaqaan “The Beast” sababo muuqda awgood.

Baabuurka dheeraadka ah, ee indhaha dadka soo jiidanaya ee la socda kolonyada madaxweynaha ayaa ahaa gaariga Washington DC oo taargadiisu tahay 800-002.

Isticmaalka gaarigaasina 2018-ki waxa billaabay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald trump sida ay muujineyso farriin sir ah oo lagu soo qoray barta Twitterka ilaalada madaxweynaha laguna sheegay inuu isticmaalayo gaadiidkaasi ka hor inta usan billaaban shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Balse shirkadda gaarigaasi sameysay iyo adeegga sirdoonkuba waxay ka gaabsadeen iney faahfaahin ka bixiyaan waxayaabaha gaarka uu la yahay gaarigaasi marka laga eego dhanka sugidda amniga madaxweynaha.

Gaarigaasi culeyskiisuna wuxuu gaarayaa 9,072 kiilo wuxuuna ka sameysan yahay bir iyo daaqado adag oo ay ay xabbaddu kareyn oo aan furmeyn, wuxuuna gaarigaasi ka hortagayaa sunta indhaha ka ilmeysiisa iyadoo ay gudahiisa ku rakkiban kaaamera aragtida habeenki loogu talagalay iyo taleefoonno dayax gacmeedka la shaqeeya oo khad gaar ah aan u baahneen.

Taayirada gaarigana waxaa lagu xojiyey oo ku wareegsan bir taas oo macnaheedu yahay in baabuurka la kaxeyn karo xataa haddii ay taayarradiisu banjaraan.

Dhinaca rakaabka ee gaarigana ma furmayo si looga hortago weerar dhinaca kiimikada loo adeegsado, waxaana gaariga u dhammeystiran shidaal uu xilliyada xaaladaha degdegga ah ay taagan yihiin u isticmaali karo.

Wakaaladda wararka ee Reuters waxay sheegtay gaarigaasi gudahiisa iney ku xiran yihiin qalab elektroonik ah oo adeegyo kala duwan loogu tala galay.

Warbaahinta NBC waxay sheegtay gaarigaasi uu qaadi karo ilaa iyo 7 qof , qalab iyo dawooyin dhammeystiran qalabkaasi oo ay ka mid yihiin qaboojiye uu ka buuxa nooca dhiigga madaxweynaha.

Balse intaasi oo keli ah ma aha waxyaabaha uu gaarigaasi gaarka uu la yahay. Marka uu madaxweynaha safar uu ku jira ayaad gaarigaasi waxbadan ka ogaaneysaa.

Gawaarida kale ee xilliga madaxweynaha uu dhulka marayo la socda waxaa ka mid ah gawaarida safka ku jira ee xagga hore gaariga madaxweynaha ka socota iyo kolonyada gaadiidka ee ciidamada tirada badan sida.

Waxayna gawaaridaasi isugu jiraan kuwa ay saaran yihiin ciidamada iaalalada gaarka ah, kuwa sirdoonka, gaadiidka gurmadka, gaadiid isgaarsiinta loogu tala galay, ambalaas iyo gaari wariyeyaal sido.

Qaabeynta safarka Madaxweynaha

Gawaarida tirada badan ee madaxweynaha ka horreysa waxaa ugu horreeya mootooyin iyo gawaarida booliska oo magacooda sirdoonku yahay ‘Booliska Horkaca’ shaqadooduna waxay tahay iney waddada uu madaxweynaha marayo ay sii banneeyaan gaadiidkana ay uga sii digaan iney kolonyada madaxweynaha waddada ku soo jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here