BAABUURTA LAGU BAADHO DEKEDDA BERBERA OO LAGA QAADO LACAGO

0
22

Marka ugu horeysa gaadiidka in la hubiyo  in ay haw geli karaan waa lama huraan oo la hubiyo amaankooda sanadkiiba mar, haddii ay wax ka xun yihiin waa lagu celiyaa oo soo samee ayaa la yidhaahdaa,markuu baasana waxa la weydiiyaa ceymiskii iyo ID(passport)wixii uu heysto kolkaas ayaa loo sameeyaa mulkiyadda sharciga ee uu ku mari karo waddada iyo lahaan shaha baaruurkaasi.
Waxa ka masuula arintaas oo dhan wasaaradda arimaha gudaha gaar ahaan booliiska qeybta taraafikadda–baadhida way siin kartaa sharkad ay wadaag yihiin laakiin waa in ay ku baadhaan dibadda oo aanay dekadda dhexdeeda aanay ku qasbin dadka kala soo degaya baabuurta taasi ay carqalad ku noqoneyso hawladda


baayacmushtarka.

Markaa dawladda sharafta waxaan u soo jeedin lahaa in ay saxdo arinkan oo ay debedda uga saarto shirkadda baadhaysa tayada baaruurta dekedda Berbera,ta kale waa in samaysaa shirkadii ceymiska si ay u dhamays tirto waxa looga baahan yahay in sharci lagu dhaqo baaruurta.
Waa fikrad wanaag san ee ha la saxo sida nidaamka caalamigu sida uu  yahay,dadkuna ma diidi karaan marka  la mariyo sharcigeeda.

Wadanka waa la wada leeyahay ee ha la ilaashado,mucaarid iyo muxaafidba.

Alaa Weyn,ninkii aamina ayaa awood leh

A/razak Mohid Essa
Senior Medical supply chain officer
Seha Company

U A E

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here