Azerbaijan Oo Degaano Dhowr Ah Kala Wareegtay Dowladda Armenia

0
14

Dagaalka Armenia iyo Azerbaijan ayaa u muuqanaya inuu yahay mid sii kordhaya, kuna faafaya deegaano dhowr ah, Hubka la isku adeegsanayo ayaa ah mid culus, waxaana hadda la sheegayaa in ciidammada Azerbaijan ay guulo muhiim ah ka gaadheen dagaalka Nagorno Karabakh ka socdo.

Armenia waxaa dagan dad Karishtan ah halka Azerbaijan ay dagaan dad muslimiin ah, waxaana laga baqayaa in dagaalka uu sii xooggeysto maadaama maalintii sideedaad uu galay, isla markaana la soo riday diyaarad helicopter ah oo ciidanka Azebaijan leeyihiin.

Madaxweynaha Azerbaijan ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad todobo deegaan oo ciidamada Armenia ay ku sugnaayeen.

Labada dhinac ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa dhexmaraya dagaalkii ugu cuslaa ee sanado ka dhaca gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan gobolka Armenia ee qowmiyadeed kaas oo ka go’ay Azerbaijan sanadii 1990-yadii markii Midowgii Soofiyeeti burburay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah sameeyaan labada dowladood oo muddo ka badan todobaad ku dagaalamaya gobolka Nagorno-Karabakh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here