Atooreyaashii dhintay iyagoo jilaya filimadoodii ugu dambeeyay

0
18
Rishi Kapoor iyo Sridevi
Jilayaal isugu jira rag iyo dumar oo ka tirsanaa shirkadda filimada Hindiga ee Bollywood-ka ayaa geeriyooday iyagoo bartanka uga jira shaqada filimo ay soo wadeen ama aan wali lasii deynin filimadii ugu dambeeyay ee ay soo jileen.

Marka ay atooreyaasha ama atariishooyinka dhintaan, taageerayaashooda ayaa aad ula murugooda geeridooda.

Laakiin dhammaanteen waxaan mar walba xasuusnaannaa jilayaasha bandhigyada wanaagsan sameyn jiray, horayna aan uga heli jirnay habka ay noo madadaaliyaan.

Hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacda in jilayaasha qaarkood aysan nasiib u yeelanin inay goob joog ka noqdaan natiijada ka soo baxeysa shaqadii ugu dambeysay ee ay qabteen.

Qormadan waxaan kusoo qaadaneynaa liiska jilayaashaii geeriyooday iyagoo aan daawanin filimadoodii ugu dmabeeyay.

Sushant Singh Rajput

Bollywood actor Sushant Singh Rajput during the promotion of his film Detective Byomkesh Bakshy at HT's Fever office, on April 1, 2015 in Mumbai, India

Qoraalka sawirka,Sushant Singh Rajput’s death was met with an outpouring of grief

Sushant Singh Rajput wuxuu geeriyooday 14-kii bishii June ee sannadkan 2020-ka. Jilaagan, oo ka mid ahaa atooreyaasha ugu caansan ee sannadihii dambe soo baxay, ayaa isdilay.

Soo saareyaasha filimkiisii ugu dambeeyay, ee lagu magacaaby Dil Bechara, ayaa go’aansaday inay kasoo soo daayaan shirkadda OTT.

Filimkan, oo si weyn loo sugayo ayaa 24-ka bishan July la shaacin doonaa, qof walbana waxaa xilligaas u suurtageleysa inuu daawado.

Balse Sushant dabcan nasiib uma uusan yeelanin inuu ku raaxeysto bandhiggiisii ugu dambeeyay.

Rishi Kapoor

Sawirka Rishi Kapoor oo da' yar

Qoraalka sawirka,Sawirka Rishi Kapoor oo da’ yar

Rishi Kapoor wuxuu geeriyooday 30-kii bishii April ee sanadkan. Dhimashadiisa waxay timid wax yar ka hor inta aan dunida badabkeed la galinin xayiraadda looga hortagayo cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Jilaagan wuxuu xilliga uu dhimanayay jilayay filim lagu magacaabo Sharmaji Namkeen, kaasoo ay la sameyneysay atariishada caanka ah ee la yiraahdo Juhi Chawla.

Wax yar ayaa uga dhimanaa dhammeystirka duubitaanka, laakiin soo saareyaasha ayaa go’aansaday inay filimka gabagabeeyaan Rishi la’aantiis, ayna sii daayaan.

Waxay sidoo kale go’aansadeen inay filimkaas ka daaraan tiyaatarradooda, si ay atooraha rugcaddaaga ah ugu maamuusaan.

Juhi Chawla ayaa dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay barteeda twittwrka soo dhigtay sawirro iyo qoraal ay ugu duceyneyso inuu filimkaas guuleysto.

Ka bood Twitter boggan, 1

Macluumaadkan lama heli karo

Faahfaahin ka eeg TwitterBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Rishi Kapoor wuxuu shaleemooyinka filimada lagu daawado qabsaday sanadkii 1973-kii, markaasoo uu doorkiisii ugu horreeyay oo hoggaamin ah uu ka qaatay filim ka hadlayay qiso jacayl oo dhalinyaro dhex martay.

Laakiin markii ugu horreysay Rishi Kapoor wuxuu jilista filimada kasoo muuqday isagoo carruur ah sanadkii 1970-kii, wuxuuna ka qeyb qaatay filimkii uu aabihiis Raj Kapoor jilayay ee Mera Naam Joker.

Qaar ka mid ah filimadiisii sida weyn loo daawaday waxay soo baxeey 1980-meyadii iyo 1990-meeyadii – waxaana ka mid ahaa Khel Khel Mein, Karz iyo Chandni – oo aad u gadmay.

Kapoor wuxuu filim laga dabadhacay oo jacayl ahaa la sameeyay atariishada lagu magacaabo Neetu Singh. Lamaahanan ayaa jacaylkooda aan ku ekeynin jilitaan kaliya, waxayna is guursadeen sanadkii 1980-kii.

Wiilkooda Ranbir Kapoor, wuxuu hadda ka mid yahay jilayaasha ugu caansan shirkadda Bollywood-ka, taageerada weynna heysta.

Irrfan Khan

Irrfan Khan's still from Jurassic World

Qoraalka sawirka,Irrfan Khan waxaa ku dhacay xanuunka neuroendocrine tumour

29-kii bishii April ee sanadkan 2020-ka ayuu Irrfan Khan u geeriyooday nooc dhif ah oo ka mid ah cudurka kansarka, isagoo 53 jir ahaa.

Jilaagan waxaa dunida oo dhan laga bartay markii uu kasoo muuqday, xirfad cajiib ahna kusoo bandhigay filimkii lagu magacaabay Slumdog Millionaire.

Khan wuxuu caan ku ahaa jilliinkiisa aan caadiga ahayn iyo fahamka, iyadoo dad badan ay u garanayaan mid ka mid ah jilaayada ugu xirfadda fiicnaa Hindiya.

Inkastoo uu filimo badan soo jilay, dad badan waxay u maleeyaan in filimkiisii ugu dambeeyay uu ahaa Angrezi Medium.

Laakiin waxaa jira filim kale oo atoorahan uu soo jilay, balse aan wali lasii deynin.

Filimkaas waxaa lagu magacaabaa Apno Se Bewafai, wuxuuna duubay ka hor inta aysan xaaladdiisa caafimaad aad uga sii darin.

Balse xayiraadda coronavirus awgeed dib ayaa loo dhigay daawashadiisa.

Sridevi

Sridevi ayaa ahayd mid ka mid ah xiddiga ugu caansan dalka Hindiya

Qoraalka sawirka,Sridevi ayaa ahayd mid ka mid ah xiddiga ugu caansan dalka Hindiya

Sridevi, oo ka mid ahayd atariishooyinka jilitaanka looga daydo ee Hindiya waxay magaalada Dubai ku geeriyootay 24-kii bishii April ee sanadkii 2018-kii, xilligaas oo ay da’deeda ahayd 54 sano.

Filimkii ugu dambeeyay ee ay atariishada hoggaanka ah ka ahayd waxaa lagu magacaabaa MOM, wuxuuna soo baxay sanadkii 2017-kii.

Laakiin markii ay geeriyootay kaddib, waxaa shaleemooyinka kasoo muuqday filim kale oo ay qeybo ka jishay, oo lagu magacaabo Zero.

Inkastoo Zero uusan noqonin filin guul weyn soo hoyiyay, haddana taageerayaasha Sridevi ayaa aad ugu farxay inay kasoo muuqatay.

Sridevi Kapoor, oo ahayd rug caddaa dhinaca jilitaanka ah, ayaa iyada oo jirta da’da 4 sano waxa ay ka qeyb gashay aflaantii filimaanta ku baxa luuqadaha kala ah Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada.

Om Puri

Om Puri

Qoraalka sawirka,Om Puri

Om Puri wuxuu geeriyooday bishii January ee sanadkii 2017-kii. Kaddib markii uu dhintay waxaa soo baxay ilaa 6 filim oo uu ka qeyb qaatay.

Waxaa filimadaas ka mid ahaa Tubelight, oo uu hoggaaminayay Salman Khan.

Markii ugu dambeysay ee aan jilaagan shaashadaha ku aragno wuxuu kasoo muuqday filimkii Gul Makai, oo uu door yar ku lahaa.

Om Puri, oo wadne xanuun u geeriyooday, waxaa filimadiisii loogu jeclaa ka mid ah: Ardh Satya, Sadgati, Paar iyo the satirical Jaane Bhi Do Yaaro.

Shammi Kapoor

Sawirka shammi kapoor, markii uu dhalinyarada ahaa

Qoraalka sawirka,Sawirka shammi kapoor, markii uu dhalinyarada ahaa

Shammi Kapoor wuxuu 14-kii bishii August ee sanadkii 2011-kii u geeriyooday kalli xanuun.

Kapoor waxaa si weyn loogu yaqaannay habkii cajiibka ahaa ee uu bandhigyadiisa u sameyn jiray iyo qoob ka ciyaarkiisii.

Atoorahan rugcaddaaga ah wuxuu dhintay isagoo 79 jir ah, base xilligii uu dhalinyarada ahaa ayuu heer wanaagsan soo gaarsiiyay filimada Bollywood-ka.

Filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Rockstar, oo la sii daayay bishii November ee sanadkii 2011-kii, markaasoo ahayd dhimashadiisii kaddib.

Atooraha da’da yar ee Ranbir Kapoor ayaa kala qeyb qaatay filimkaas, dad badanna waxay aad ugu faraxsanaayeen inuu yeeshay nasiibka uu filim kula jilay nin magac weyn ku lahaa bollywood-ka muddo tobannaan sano ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here