Josh Kaul ayaa weriyaasha u sheegay in Rusten Sheskey uu dhabarka kaga dhuftay toddobo xabadood isagoo sii furaya albaabka gaarigiiisa.
Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in saraakisha booliska ay mindi ka dhex-heleen gaariga Jacob balse aysan jirin hub kale oo laga helay gaariigiisa.
Toogashada ayaa sababtay mowjado dibadbaxyo rabshada wata ah maalmihii la soo dhaafay.
Talaadadii laba qof ayaa dhintay halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray kaddib markii ay mudaaharaadyada sii xoogeysteen.
Mr Blake ayaa haatan ku jira isbitaalka, waxaana lagu soo warramayaa inuusan haatan koomo ku jirin balse qareennadiisa ayaa ka cabsi qaba iney “mucjiso” un noqon doonto haddii uu dib cagihiisa ugu socdo.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ciidamo heer federaal u diray magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin, ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in halkaasi ay ka socdaan dhac, rabshado iyo kala dambeyn la’aan.
Waaxda cadaaladda ayaa furtay baaritaan heer federaal ah oo la xiriira toogashada. ilaa Laba boqol oo ka tirsan FBI ayaa loo diray magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin.
Toogashadan ayaa timid xilli ay Mareykanka ka taagan tahay xiisad xasaasi ah oo ka dhalatay cadhada laga muujiyay tacaddiga loo geysto Mareykanka-madow, kaddib dilkii dhowr bilood ka hor loo geystay George Floyd.
Maxaa dhacay?
Taliska booliska magaalada Kenosha ayaa sheegay in “toogashada uu askariga fuliyay” ay dhacday waqti ka dambeeyay 17:00 ee maalintii Axadda. Waxay intaas ku dareen in askariga uu gargaar deg deg ah u sameeyay Mr Blake, durbana loo qaaday isbitaalka deegaanka Milwaukee.
Waxay saraakiishu sheegeen in booliska ay markaas ka falcelinayeen “dhacdo la xidhiidhta qoys” balse wax faahfaahin ah kama aysan bixinin waxa sababay toogashada.
Waaxda caddaaladda ee gobolka Wisconsin ayaa hadda baadhitaan ku wadda dhacdada. Waxay mas’uuliyiinteeda sheegeen in askartii falkaas ku lug yeelatay loo diray fasax ku yimid amar dhinaca maamulka ah.
Muuqalaka lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga daawaday saddex askari oo hubkooda ku jeedinaya nin lagu sheegay inuu ahaa Mr Blake xilli uu isaguna markaas kusii socday gaadhi noociisu yahay SUV oo meel u dhow yaallay.
Markii uu albaabkii gaadhiga iska furay uu uu gudaha sii galayay, ayuu askari shaatiga kasoo jiiday rasaasna ku furay. Dhawaaqa ilaa toddoba xabbadood ayaa laga maqlayaa muuqaalka, iyadoo markaasna dad goob joogeyaal ah ay qeylinayeen.
Askartii dhacdadan ku lug lahayd wali magacyadooda lama shaacinin.
Qareen caan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha, oo lagu magacaabo Ben Crump, ayaa telefishinka CNN u sheegay in qoyska Mr Blake ay lasoo xidhiidheen kana dalbadeen caawinaad