Askari ka tirsan Ilaalada Wasiir Sulub ayaa ka hadlay wixii ku dhacay .

0
40

Hargaysa ( SN)-Marka hore ilaahay ayaa mahad leh nakala badbaadiyey anaga iyo dadweynihii gadoosanaa ee aanu isku mudanay Xabaalaha Haleeya ee Bariga m/ Hargeyasa,
Marka xiga a waxaan u mahadnaqayaa ciidankaygii sharafta iyo karaamada badnaa ee sameeyeey taxadarka iyo dulqaadka badan iyo odayaashii iyo waxgardkii isku xilqaamay inay xaalada xasalooni ku Soo dabaalaan,

Marka 3aad wxnu Ka raaligalinayaa oo aan Ka tacsiyadaynayaa ciidkasta oo Ka xumaatay DHACDADI foosha xumayd ee halkaas Ka Dhacday, intaa kadib wxn uga dhaadhacayaa ujeedada maqaalkaygan.

Anigu shakhsi ahaan wxn Ka mid ahaa ilaaladii gaarka ahayd ee wasiirka wasaarda xanaanada xoolaha iyo Horumarinta kaluumaysiga J/S/land
Mudane siciid sulub Max,ed, oo ahaa Masuulkii kowaad ee Soo Qabanqaabiya in aas qaran loo sameeyo muwaadiniintii inagaga dhimatay mudahaaradkii Ka dhacay Hargyeysa 11/08/2022 sida aad kala socoteen baraha bulshada waxa wax laga xumaado ahaa Qaran ahaan iyo Qof ahaanba wixii goobtaa Ka dhacay oo ahayd xaajo ugub ah, si kastaba ha ahaate anagu markii aanu Xabaalaha gaadhsiinay maydka inyar kadib waxa nagu bilaabmay dhagax tuur iyo foodhi iyo ciiddii xabaasha dul taalay oo gacmaha na loo daray,, islmarkiiba Wasiirka wuxuu Amar adag nagu siiyey in aanan ridiin wax xabad ah,
Anaguna Ciidan ahaan wuxuu ilaahay nagaransiiyey in aanu qaadano go,aan adag oo deg deg ah oo ah sidii aanu Wasiirka oo badqaba goobta uga saari lahayn iyo sidii aanu u kala badbaadi lahayn dadkii Gadoosanaa, ee weerka cas madaxa ku xidhnaa ee abaabulnaa ee aan tudhaalaha lahayn ee sida arxadarda ah dhagaxa noola dhacaayey anaga oo ah ciidankoodii Qaranka ee u dhaartay ilaalinta Naftooda iyo Maalkoodaba, ee sida aad wada arkayseen noogu yimid naftayadii iyo hubkayagiiba,,
Taasina Wllhi in aanaynaga ahayn Doqonnimo iyo liidnimo toona ee waxay naga ahayd

W/Q Cumar Colaad oo kamid ahaa Ilaalada Wasiir Siciid Sulub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here