Arsenal Iyo Manchester United Oo Barbarro Goolal La’aan Ah Ku Heshiisay, Man City Oo Fursad Ay Siiyeen Iyo Wacdarihii Emirates Ee Ku Dhamaaday Sinnaanta

0
21

Arsenal iyo Manchester United ayaa barbarro goolal la’aan ah ku kala baxay kulan adkaa oo ay fursado badan iska khasaariyeen, kaas oo ay labada kooxood albaabada iskugu xidheen Emirates Stadium oo aanay wax taageereyaal ahi joogin.

Gunners oo ay dhaawacyo kaga maqnaayeen dhawr ciyaartoy, ayaa waxa kale oo ay tabayeen kabtankooda ahna gool-dhaliyahooda Pierre-Emerick Aubameyang oo ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ah kaga maqnaa hooyadii oo xanuunsanaysa oo cusbitaalka ku jirta, laakiin Manchester United ayaa isticmaashay hubkeeda ugu culus oo ku guul-darraystay inay shabaqa soo taabtaan

Arsenal iyo Manchester United ayaa barbarro goolal la’aan ah ku kala baxay kulan adkaa oo ay fursado badan iska khasaariyeen, kaas oo ay labada kooxood albaabada iskugu xidheen Emirates Stadium oo aanay wax taageereyaal ahi joogin.

Gunners oo ay dhaawacyo kaga maqnaayeen dhawr ciyaartoy, ayaa waxa kale oo ay tabayeen kabtankooda ahna gool-dhaliyahooda Pierre-Emerick Aubameyang oo ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ah kaga maqnaa hooyadii oo xanuunsanaysa oo cusbitaalka ku jirta, laakiin Manchester United ayaa isticmaashay hubkeeda ugu culus oo ku guul-darraystay inay shabaqa soo taabtaan.

Manchester United ayaa heshay fursad weyn oo goolhaye Leno ku qasabtay inuu iskala-bixin weyn iyo bootin isku daro, si uu goolkiisa uga joojiyo kubbad uu kusoo toogtay Fred, hase yeeshee Nicolas Pepe ayaa isaguna kubbad loo qaatay gool garab mariyey birta.

Edinson Cavani ayaa lumiyey fursaddii ugu qaalisanayd kooxdiisa, iyadoo goolka hortiisa uu kubbad ugu keenay Shaw, taas oo ruug-caddaagani uu si sahlan ugu leexiyey goolka, balse waxay garab martay birta.

Alexandre Lacazette ayaa istaajiyey goolhaye De Gea, birtana kasoo jaray kubbad laag xor ahayd, iyadoo ugu dambayntiina ay labada kooxood ku kala baxeen barbarro 0-0 ah.

Manchester United ayaa kusii negaatay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League iyadoo haysata 41 dhibcood, waxaanay saddex dhibcood ka dambaysaa Manchester City oo leh 44 dhibcood.

Arsenal ayaa iyaduna soo gashay kaalinta siddeedaad, waxaanay leedahay 31 dhibcood.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): David de Gea; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw; Scott McTominay, Fred; Marcus Rashford, Bruno Fernandes, Paul Pogba; Edinson Cavani.

Kaydka: Eric Bailly, Anthony Martial, Mason Greenwood, Daniel James, Dean Henderson, Alex Telles, Nemanja Matic, Donny van de Beek, Axel Tuanzebe.

ARSENAL (4-2-3-1): Bernd Leno; Hector Bellerin, Rob Holding, David Luiz, Cedric Soares; Thomas Partey, Granit Xhaka; Gabriel Martinelli, Emile Smith Rowe, Nicolas Pepe; Alexandre Lacazette.

Kaydka: Gabriel Magalhaes, Martin Odegaard, Willian, Runar Alex Runarsson, Ainsley Maitland-Niles, Calum Chambers, Mohamed Elneny, Joe Willock, Eddie Nketiah.

Mikel Arteta ayaa hal beddel oo kaliya ku sameeyey safkii guusha uga soo hooyey kulankii Southampton, waxaana kaliya ka baxay Bukayo Saka oo dhaawac ah oo uu beddelay Martinelli, halka Aubameyang uu ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ah ku maqnaaday hooyadii oo xanuunsanaysa.

Laakiin Ole Gunnar Solskjaer oo u dagaallamayay inuu kasoo kabto guul-darradii Sheffield ayaa shan isbeddel ku sameeyey kooxdiisa, waxaanu safka hore kusoo celiyey Luke Shaw, Lindelof, Fred, McTominay iyo Pogba.

Wan-Bissaka ayaa kubadda ugu horreysay ka keenay dhinaca midig iyadoo uu isku dayay inuu xerada ganaaxa Arsenal ugu geeyo Marcus Rashford, waxaase halistaas ka badbaadiyey kooxdiisa Thomas Partey oo iska saaray

Gabriel Martinelli ayaa kubbad u dhiibay Lacazette oo isaguna toogasho awood badan ka sameeyey masaafo 20 yard u jirta goolka, waxaanay kubaddaasi si toos ah ugu beegantay David de Gea oo ku raaxaystay.

Khatartii ugu weynayd, uguna horreysay ciyaarta waxa samaysay Manchester United, iyadoo uu Fred ku toogtay goolhaye Leno kubbad ay iska soo saareen ciyaartoyda Arsenal, waxaanu goolhayaha reer Germany si dirqi ah kaga badbaadiyey goolka.

Thomas Partey ayaa jawaabta Fred bixiyey, waxaana kubbad uu kasoo qaatay meel ka dambaysa badhtamaha garoonka uu ku eryaday difaaca Manchester United, waxaana markii uu goolka u jirsaday masaafo dhan 25 yard uu go’aansaday inuu goolka toogto, waxayse kubaddu ka leexatay bartilmaameedkiisa.

Nicolas Pepe ayaa khatar geliyey goolka Manchester United, waxaana kubbad uu ka qaatay badhtamaha garoonka uu la tegay laynka garoonka, waxaana kubadda oo uu dhaafiyey goolhaye De Gea ay waxyar dhinaca bidix ka martay birta.

Manchester United ayaa iyaduna heshay fursad markii Pogba uu kubad u dhiibay Fernandes oo isaguna lugtiisa midig ku hubiyey, waxaase kubaddaasi ka baydhay bartilmaameedkiisa, iyadoo qaybta horena kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah.

Mikel Arteta ayaa waqtigii nasashada beddelay weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Martinelli, waxaanu soo geliyey laacibka kale ee reer Brazil ee Willian.

Daqiiqaddii 49aad ee bilowga qaybta labaad ayuu Willian kubbad u dhiibay Bellerin, waxaase nasiibka United uu keenay in Wan-Bissaka uu halkaas diyaar kusii ahaa.

Edinson Cavani ayaa u dhowaaday inuu u dabbaal-dego goolka ugu horreeya ee ciyaarta, kaddib markii uu kubbad loo wada qaatay inay gool tahay uu ku qabtay goolka Arsenal, hase yeeshee kubadda ayaa garab martay birta.

BIRTA!!!!! Alexandre Lacazette ayaa kubad laag xor ahayd waxa uu ku toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa David de Gea, waxaana iyadoo aanu goolhayaha reer Spain is-dhaqaajinin ay kubaddu ku dhacday birta.

Martin Odegaard ayaa kulankiisii ugu horreeyey Arsenal ah ciyaaray, waxaanu beddel kusoo galay daqiiqaddii 83aad, iyadoo lagu beddelay Smith Rowe oo ah laacibka uu u socdo inuu sida rasmiga ah u baro-bixiyo.

Cedric Suares ayaa laag xor ah qaatay ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood ka dhiman yihiin, waxaanah kubaddiisu waxyar ka dallacantay goolka iyadoo shabaqa ka soo taabatay dhinaca dambe.

DAQIIQADDII DAAWADA: Daqiiqaddii 90aad ayay isku dhaceen Harry Maguire iyo Alexandre Lacazette, waxaana si degdeg ah usoo galay garoonka dhakhaatiirta labada kooxood oo u sameeyey daaweyn, waxaana si toos ah garoonka uga baxay Lacazette oo xaaladdiisu ba’nayd.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah oo ay labada kooxood ku wadaageen dhibcaha.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here