Ivan Safrovov ayaa soo muuqday isaga oo gacmaha ka katiinadeysan oo loo sii wado maxkamad, waxaana garbaha hayay laba nin oo afka u xiran yahay.
Taageerayaashiisa ku sugnaa afaafka hore ee maxkamadda wuxuu u sheegay in “inuusan dambiila ahayn”.
Xarigga loo geystay weriyaha horay uga soo warrami jiray arrimaha militariga, waxay aragagax ku abuurtay suuufiyiinta dalkaasi Ruushka, Iyada oo ay laanta adeegga sirdoonka ee FSB ay ku eedeysay inuu basaas u ahaa laanta sirdoonka Czech, “taasina aysan macquul ahayn”.
Kremlin oo ammaantay howsha ay sirdoonka qabteen waxay xariggiisa ku tilmaantay “mid ay tayadiisu sarreyso”, haddana lama shaacinin caddeymaha ku saabsan waxa loo haysta weriye Ivan Safronov.
Sida oo kale waxaa jira cabsi laga qabo iney laanta sirdoonka ee FSB ay sii kordhineyso xadhigga dadka loo haysto khiyaano iyo basaasnimo aad u weyn taas oo hadda laga dareemayo Ruushka.
‘Putin dan kama lahan aragtida shacabka’
“Fikirkeyga waxaa ugu horreeya ee ku soo dhacay waa in aan 20 sano aan xusuusteyda dib u celiyo,” ayuu yiri Grigory Pasko, oo weli xusuusta xariiggii isaga loo geystay sannadkii 1997-kii.
Mr Pasko wuxuu sida oo kale ahaa weriye ka soo warrama arrimaha militariga, wuxuuna marar badan wax ka qoray xadgudubka ciidamadda badda Ruushka ay u geysteen deegaanka. Waxaana xilligaasi lagu eedeeyey inuu xog sir ah uu la wadaagay dalka Japan, waxaana lagu xukumay 4 sano oo xarig ah. Waxaa la sii daayay sannadkii 2001.
Arintan ayaa dhalisay caro dadweyne oo gudaha iyo dibedaba ah, ugu dambeyntiina Mr Pasko waxaa lagu sii daayay si sharaf leh.
“Waxaan u maleynayaa wixii intaa ka dambeeyey inay ka cabsadeen iney wariyeyaasha taabtaan,” ayuu yiri Mr Pasko oo BBC u warramay.
“Waqtigaas, Ruushka wuxuu lahaa sumcad caalami ah. wuxuu ku biiray hannaanada caalamiga ah, waxaana laga tixgeliyey aragtida adduunka,” ayuu yiri.
“Hadda Vladimir Putin wuxuu xilka sii haynayaa 20 sano isaga oo dan iyo muraad aan ka lahayn waxa ay dadka ka aaminsan yihiin,” ayuu hadalka ku sii daray, wuxuuna farta ku fiiqay madaxweynaha Ruushka inuu wax ka beddelay dastuurka dalka si uu u helo 2 xilli oo kale oo Kremlin uu ka arrimiyo.
“Ma jirto cid joojineyso ama horistaagi karta. Waxay doonaan ayey sameynayaan xilliga ay doonaan, sida ay u doonaan, cidda ay doonaanna wey ku sameeynayaan,” sida uu aaminsan yahay.
Xarigga Mr Safronov ayaa la rumeysan yahay in uusan wax xiriir ah la lahayn xirfadda wariyenimada, balse Grigory Pasko wuxuu ka shaki qabaa inuu xarigga ku muteystay mowduucyo lama taabtaan ah inuu sidiisi oo kale uu wax ka taabtay.
“Tani waxay la mid tahay digniin ku socoto suxufiyiinta si ay isu gaabiyaan.”
Ruushka siduu u ugaarsadaa cadowgiisa
Dacwadaha basaasnimada iyo khiyaanada qaranka la xidhiidha waxay aad u sii kordheen tan iyo 2014-kii, ka dib markii uu xumaaday xiriirka Moscow ay la lahayd waddamada reer galbeedka, taas oo ka dhalatay in Ruushka uu xoog ku qaatay gobolka Crimea oo Ukraine ka tirsanaa.
Sida ay sheegeyso xogta laga helay maxkamadda sare ee Ruushka, sannadki 2013-kii dadki xabsiga loo taxaabay ama dacwad noocaas ah lagu soo oogay waxay ahaayeen 4 qof, sannadki xigay waxay tirada dadkaasi gaartay 15 qof.
Wixii intaa ka dambeeyeyna 36 qof ayaa dacwado kuwaas la mid ah lagu soo oogay iyada oo 14 ajaaniib ahna lagu soo eedeeyey fal la xidhiidha basaasnimo.
Sannad walba madaxweyne Vladimir Putin wuxuu u mahadceliyaa saraakiisha iyo madaxda sirdoonka dalkaasi isaga oo ku ammaanay sida ay uga salgaareen boqollaal qof oo “si qarsoodi ah ugu howlanaa basaasnimo waddama shisheeya ugu shaqeynayey” inkasta oo dadkaasi halka ay ku dambeeyeen aan la sheegin.
Dhab ahaan dadkaasi ma basaasiin baa?
“Tan iyo 2014-kii, waxaan ku jirnay dagaal, waxaanna dagaalkaasi kula jirnay ‘cadowgeenna’, meel kasta oo uu joogo, bulshaduna waxaan u howl gelinnay sida ciidanka hubeysan,” ayuu yiri garyaqaanka u dooda Ivan Safronov.
Sanado badan oo howlaha qareennimada uu dad badan oo uu ka mid ahaa Grigory Pasko uu ku difaacay wuxuu BBC u sheegay inuusan la kulmin “hal qof oo basaas ah”.
“Dambiilaha in la soo qabto waxaa ku shaqo leh oo sharci ahaan loo xilsaaray FSB, hase yeeshee, hal qof oo dambiila rasmi ah ma ay soo qaban,” ayuu yiri garyaqaanku.
Mr Pavlov wuxuu ku doodayaa waddada u sahlan iney noqotay dadka macluumaadka u dhow iyo dadka ajaanibta xiriirka la leh in la bartilmaameedsado.
“Saayinsyahannada ayaa hadda ka hor khatar badan la kulmayey, haddana waxaa sidoo kale ku soo biiray suxufiyiinta.”
Sirtu maxay tahay?
Khatartu waxay sii korodhay 2012-kii marki dib u habeyn lagu sameeyey sharciga lagu qaado dadka lagu eedeeyo khiyaamo qaran kaas oo tirsigiisu yahay 275.
“haddii aad dhaqaale, qalab, la talin ama waxyaaba kale” aad ku taageerto dal ama qof ajnabi ah waxaa lagugu soo oogayaa dacwad ah khiyaama qaran iyo in aad wax u dhibtay ammaanka Ruushka.
“Waxaa loola jeedaa inay qof weliba raaci karaan,” ayuu yiri Wariye Zoya Svetova oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.
“Waa marki labaad oo muddo 20 sana ah la isku dayo in nin wariye ah lagu soo eedeeyo khiyaamo qaran balse dadka kale ee kiiska noocan ah lagu soo eedeeyo aad ayey u badnaayeen,” ayey tiri. Dadka dhibaatadaas la kulma waxaa ka mid ah hooyooyinka guri joogga ah, dadka haga diyaaradaha, iyo saaynisyahannada.
“Lefortovo (xabsiga ay leeyihiin laanta sirdoonka FSB) waxaa ka buuxa dad loo haysto basaasnimo iyo khiyaamo qaran.”
Kremlin-ka waxay diidday in Ruushka uu ku jiro gacanta ‘Sirdoonka”.
Dadka loo haysto dacwadaha arrimahan la xidhiidha waxaa lagu hayaa xabsi gaar ah waxaana la geeyaa oo kiiskooda lagu qaadaa maxkamado ay albaabbada u xiran yihiin xogtoodana la lama wadaago shacabka.
Xataa kooxda difaacda weriyeyaasha ma garanayaan waxa loo haysto qofka iyo dacwadda lagu soo oogay waxa ay tahay.
“Markaad qabato qof basaas ah, waa in aad caddeyntaada dunida oo dhan la wadaagtaa: balse FSB waxay dadka noocaasi ah u adeegsadaan dacaayado raqiis ah,” ayuu yiri Gennady Gudkov oo horay uga tirsanaa sirdoonka Ruushka haatanna u ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.
“Kiiska Safronov waxaan u aragnaa inuu yahay mid la yaab leh oo laga shakin karo.”
Gudbinta farrinta?
Ivan Pavlov wuxuu sheegay iney wax badan isbeddeleen laga billaabo maalinti ay shacabku billaabeen iney kiiska Grigory Pasko ay ka dhiidhiyaan iyaga oo cadaadis xooggan ku abuuray laabta sirdoonka awdoodda badan leh ee FSB.
“Annaga ahaan hadda wey nagu adag tahay arrintan”, ayuu yiri iyada oo nidaam maxkamaded ee mara kiisaska noocan ah ay ka yar yihiin 1%.
Warbaahinta dowladda oo maalimihi ugu horeeyey billaabay iney Mr Pasko taageeraan, waxay hadda billaabeen warbixin taa ka duwan iyaga oo ku tilmaamay “Codowga” Ruushka.
“Doodahaasi oo dhan ujeedkooda waa iney ka dhaadhiciyaan iney xaq u leeyihiin iney Putin weligiiba xilka u doortaan,” Grigory Pasko laftiisa wuxuu aaminsan yahay wax ka beddelidda bishan lagu sameyn doono dastuurka dalka.
“Farriintu waxay tahay: Putin oo keli ah ayaa naga badbaadin kara cadoga gudaha iyo basaasiinta oo ay ku jiraan suxufiyiinta