Aqalka Sare: Waa kuwama musharrixiinta u taagan guddoomiyaha Aqalka sare

0
28

Muqdisho (Saxilnews.com)Guddoonka Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maalinta berri ah lagu wadaa in lagu doorto magaalada Muqdisho. Aqalka Sare ayaa ka kooban 54 xubnood kuwaas oosoo dooran doono shir guddoonka aqalkaas oo ka koobnaan doona guddoomiye, ku xigeenka koowaad iyo ka labaad.

Guddoomiyaha golaha waxaa ku tartamaya saddex senatar oo kala ah guddoomiyihii hore ee aqalkaas Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Cismaan Abokor Dubbe.

Musharraxyadan oo ka soo jeeda dhammaantood gobollada waqooyi, ayaa la filayaa in midkood noqon doona guddoomiyaha aqalkaas maalmaha soo aaddan, kaas oo hoggaaminta afarta sano ee soo socota.

Cabdi Xaashi Cabdillaahi

Cabdi Xaashi Cabdillaahi waxa uu ku dhashay degmada Baabiley, dalka Itoobbiya sanadkii 1946-dii. Dhammaadkii kontameeyadii iyo lixdaneeyadii ayuu Cabdi dhammeeyey waxbarashada Hoose illa ta sare ee dugsiga, isaga oo ku qaatay Harar. Wuxuu sanadihii 1975-1977 uu kuliyadda siyaasadda, uu ka dhigtay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, ee Muqdisho. Sida oo kale sanadihii 1980-1981 wuxuu ka baxay Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho.

Cabdi Xaashi ayaa horraantiisii soo maray shaqooyin tiro badan oo kala duwan waxaana ka mid ahaa macallinnimo iyo shaqooyin kale. Waxaa se noloshiisa inta ugu badan ku qaatay shaqooyinka dawladeed isaga oo soo maray xilal ka duwan, oo gaadhsiin in heer wasiir. Waxa uu soo noqday 2005-2007 Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka, halka uu 2008-2009 Wasiirka Caafimaadka. Sannadkii 2012 illaa 2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka ayuu ahaa.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sannadkii 2017-kii ku guuleystay doorashada gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Xildhibaanada codeeyay wakhtigaas oo ahaa 52-xubnood ayaa uu ka helay helay 43 ka mid ah codadkii la dhiibtay, halka xildhibaanka la tartamaayay ee Mustafe Qodax na uu helay sagaal cod oo keli ah.

Waxaana uu sidaa ku noqonayaa Guddoomiyihii ugu horreeyey Aqalka sare markii golahaas la sameeyey.

Cismaan Abokor Dubbe:

Cismaan Abokor Dubbe wuxu horraantii todobaatanaadkii ku dhashay deegaanka Burco ee Gobolka Togdheer. Cismaan wuxu ku soo barbaaray, dugsi quraanka iyo iskuulka hoosena ka bilabaabay magaalada Shan-Shacadde oo ka tirsan Degmada Burco ee Gobolka Togdheer. 1982-dii ayuu u soo wareegay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu tacliinta dhexe iyo Sareba ka dhammaystay.

Dabayaaqadii 1990kii ayuu Cismaan Dubbe ka qayb galay imtixaankii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaanu ku guuleystay Kulliyadda Caafimaadka (Medicine).

bb

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,Dubbe

Janaury 1991-kii markii uu qarxay dagaalkii sokeeye, Cismaan waxa uu u soo wareegay gobolkii uu ku dhashay ee Togdheer, isaga oo degay magaalada Burco, waxa aanu 1991-92kii wax ka hirgeliyey jariidad ka soo baxda Burco ee Aragtida Togdheer oo uu tafatire ka ahaa illaa badhtamihii 1995kii.

Dabayaaqadii 1998kii ayuu Cismaan Dubbe u hayaamay Wadamada Yurub, waxaanu degay magaalada London ee Cariga Ingiriiska. Waxbarashidiisii ugu horreysayna ee UK wuxu October 1998kii ka bilaabay Koolejka la yidhaahdo Tower Hamlets College, halkaas oo uu ku qaatay 2 sanadood oo uu ku bartay luqadda iyo culuumta bulshada. Machadkaas oo uu ka qalin jebiyey July 2000, isaga oo ka qaatay Diploma Social Science.

September 2000 ayuu Cismaan Dubbe ku biiray Kulliyadda Siyaasadda ee Jaamacadda Westminister ee badhtamaha magaalada London (University of Westminster) waxaanu si khaas ah ugu takhasusay culuumta siyaasadda (Political Science). June 2003dii ayuuna ka qalin jebiyey Jaamacaddii Westminster. Sanadihii uu joogay UK Wuxu ahaa dadka ka shaqeeya adeegga dadweynaha (Community Work), iyo la’ taliye sharci, gaar ahaan arimaha socdaalka.

December 2011kii ayay Hay’adda IOM u qaadatay Prof. Cismaan in uu noqdo khabiir Wasaaradaha dalka ka caawiya qoraalka sharciyada iyo tababarka shaqaalaha.

Hawshii ugu horreysayna wuxu ka bilaabay Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo uu la shaqaynayay illaa 2013kii.

Wejigii labaad na wuxu ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka oo uu la shaqaynayey sanadihii 2014 iyo 2015. Muddadaas uu ku shaqaynayey Dubbe wuxuu qoray sharciyo badan oo ay ansixiyeen Baarlamaanada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Jannaayo 2020 wuxu Muqdisho ka aasaasay Xisbi la yiraahdo Xisbiga HILOW. Dubbe sidoo kale waa qoraa, waxaanu qoray laba buug oo la kala yiraahdo Felegmeer iyo Mangalool.

Sida oo kale Cismaan waxa uu macallin jaamacadeed ka soo noqday qaar ka mid ah jaamacaha Hargeysa. Halka uu dhammaadkii sannadkii 2020 uu noqday Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Soomaaliya. Dhawaanna waxa loo doortay xubnaha cusub ee senatarrada Aqalka sare, halkaa oo u hadda u taagan yahay jagada guddoomiyaha aqalkaas.

Waxaa uu soo qabtay labo wasaarad oo xukuumadda federaalka ah, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaaradda Dstuurka.

Waxaa uu sidoo kale isku duwe ka ahaa guddi dhanka Farsamada ka taagerayay doorashooyinkii 2016 kuwaas oo ka kala socday dowlad gobaleedyada dalka iyo dowladda Federaalka.

Saalax ayaa sidoo kale horay uga soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Arrimaha Federaalka isagoo ahaa La -taliyaha Sare ee Doorashada oo loo xilsaaray hirgelinta ajendaha dimuqraadiyadda iy faderaaleynta.

Intii uu ka shaqaynayay Wasaaradda, Saalax wuxuu kaloo noqday La-taliyaha horumarinta Istiraatiijadda Siyaasadda.

Wuxuu sdioo kale dalka Canada ka ahaa Kalliye macallin sanadhihii 2009-2010-kii…

2013- 2014 wuxuu ka tirsanaa koox dib u habayen ku sameynaysay hannaanka booliska Soomaaliya..

Wuxuu guddoomiye u ahaa guddiyada loo saaray arrimaha samatabixinta doorashooyinka ee ka dhashay heshiisyadii ka dhacay Dhusmaareeb iyo Baydhabo sanadkii la soo dhaafay.

Saalax Axmed Jaamac, ka hor inta uusan dowladda ku biirin waxa uu ka shaqeyay Adeegyada horumarinta Bulshada.

Waxa uu sidoo kale ka shaqeyay arrimaha dowlad dhisidda, Nabadeeynta, Xalinta khilaafaadka, isagoo qoraallo ka sameeyay Dimoqoraadiyadda iyo fursadaha dowlad dhiska ee dalalka nugul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here